Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe & Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa magaalada Muqdisho kulan gaara kula yeeshay Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland.

Hogaamiyaha ayaa Xildhibaanada ka xog wareysanaayay xaaladaha deeganada Jubbaland iyo mid guud ee dalka, waxa uuna Madoobe usoo jeediyay inay booqdan deegaanada laga soo doortay.

Axmed Madoobe, waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay in dowlada Federaalka ay garab kusiiyaan dagaalka ay la galeyso Alshabaab, waxa uuna carab dhabay inuu ahmiyad gaara u arko in dhex dhexaad laga noqdo arrimaha qaar.

Xildhibaanada ayuu Hogaamiyaha ku booriyay in ay mushaarkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan ay kaga qayb qaatan dagaalka argagixisada lagula jiro oo ay furimaha tagaan ciidamadana dhiiri galiyaan.

Waxa uu usoo jeediyay in si wadajira loogu wada shaqeeyo hormarka deegaanada Maamula, maadaama uu yahay deegaanadooda.

Sidoo kale, xiriirka dowlad goboleedyada iyo Federaalka ayuu Axmed Madoobe sheegay in uu hadba ku xiran yahay sida loo wajaho marxaladaha jira iyo in sharciga la ilaaliyo iyadoo arimaha masiiriga ahna Dowladu ay ka talo galiso Dowlad Goboleedyada.

Axmed-Madoobe-1.jpg?resize=696%2C484axmed-Madoobe-2.jpg?resize=696%2C615Xildhibaano-1.jpg?resize=696%2C464Xildhibaano-2.jpg?resize=696%2C464

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this