Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo dowlada Somalia ugu deeqay Hub casri ah oo aan horay loo siinin dowlada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay kaalin weyn ka qaadaneyso dagaalka adag oo ay dowlada Somalia kula jirto argagixisada Alshabaab.

Turkiga waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in lasoo afmeero dagaalada dheeraaday ee dowlada Somalia kula jirto Alshabaab.

Waxa ay dowlada Turkigu Somalia ugu deeqday qoryo casri ah, gaar ahaan qoriga MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga.

Qoryaha loogu deeqay dowlada Somalia oo casri ah ayaa waxaa loogu tallo galay in lagu howlgaliyo ciidamada dowlada ee qeybta ka noqon doona dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Qoryahaan ayaa noqonaaya kuwii ugu horeeyay ee lasiiyo dowlada Somalia, tan iyo markii Somalia ay kasoo saanqaaday burburkii ka dhashay dhicitaanka dowladii Dhexe ee Somalia.

Warbaahinta Turkiga ayaa qortay in qoryahay loogu deeqay dowlada Somalia ay tirro ahaan gaarayaan 450 qori oo ah MPT-76 kuwaa oo meelo fogfog wax ka toogta.

Qoryahaan casriga ah ayaa waxa ay ciidamada Turkidu u adeegsadaan la dagaalanka Kooxaha argagixisada ee aadka uga soo horjeeda xasiloonida.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan ku dhawaaqday dagaal muddo qaadan doona oo Alshabaab looga saari doono dhammaan dalka, gaar ahaan Gobolada lagu tuhmaayo inay saldhig ku leeyihiin xagjiriinta Alshabaab.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay dowladaha Somalia iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhanka difaaca iyo tababarka Ciidamada ah, waxaana hubkan uu qeyb ka yahay qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Read More

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this