Sign in to follow this  
Deeq A.

WAR DEG DEGA: Dibadbax rabshado wata oo dad ay ku dhinteen ayaa saaka ka socda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibadbax rabshado wata, oo dad ay ku dhinteen ayaa saaka ka socda magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kaasi oo looga soo horjeedo xirnaashaha dekedda magaaladaasi.

Wariyaha Warsidahan uga soo waramaya Boosaaso, ayaa sheegay in banaan baxa xooggiisa uu ka dhacayo nawaaxiga Dekedda, iyadoo dadweyne caraysan ay isku dhaceen ciidamada Booliska.

Isku dhaca ciidamada amniga ayaa ka dhashay khasaaro isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana Goobjoogiyaasha sheegeen in ugu yaraan hal labo ruux ay ku dhinteen rabshadaha socda, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya boqolaal qof, oo ganacsato, haween iyo dhalinyaro ay kamid yihiin kuwaasi oo dalbanayay in la joojiyo canshuurta lagu kordhiyay badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso.

Fahfaahinta warka kala soco wararkeena damne haddii ALLE idmo.

Halkaan ka akhriso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this