Sign in to follow this  
Deeq A.

FAAHFAAHIN: Khilaaf xoogan oo kataagan Mooshin kadhan ah Madaxweyne Shariif Sakiin (HALKAAN KADAAWO)

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacaya Shirar iska soo horjeedo, oo ku aadan mooshin la sheegay in laga keenay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhabo waxaa kulan gaar ah ku yeeshay maanta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo sheegay in xilligan in aysan habooneyn Mooshinka in laga keeno Madaxweynaha.

Xildhibaan Xasan Macalin Iidow (Xasan Black) wuxuu xusay in Xildhibaanada Baydhabo ku kulmay ay tiro ahaan gaarayaan 50 Mudane oo kasoo horjeeda Mooshinka laga diyaariyay Madaxweynaha.

Waxay isku raaceen Xildhibaanada inay difaacaan Madaxweynaha, islamarkaana ay ka hortagaan mooshin iyo isku day kasta oo awooda looga xayuubinayo Shariif Xasan, oo hadda Muqdisho ku sugan.

Xildhibaano kale ayaa kulan kaasi kasoo horjeeda ku yeeshay dhowr jeer Muqdisho, kuwaasi oo shaaciyay inay saxiixeen mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, oo waxqabad la’aan ku dhaliileen.

Mooshinkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Shariif Xasan uu 22-kii bishii lasoo dhaafay ka furay Baydhaboo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, isagoo kula dardaarmay Xildhibaanada inay maamulkaasi la shaqeeyaan.

Shariif Xasan wuxu kamid yahay hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka, ee la saftay Sacuudiga iyo Xulufadiisa, islamarkaana hareer maray go’aankii dhex-dhexaadnimo ee dowladda Federaalka ee ku aadan khilaafka khaliijka.

Halkaan ka akhriso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this