Sign in to follow this  
Deeq A.

WARBIXIN: Xaaladaha Nololeed Xoolo dhaqatada Abaaruhu ku habsadeen ee Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

african-drought.jpg?resize=827%2C477Muqdisho (PP) ─ Waa wado godad badan oo ku taalla Degmada Kajiado ee dalka Kenya. Waa meel aad u kulul oo boodh badan. Waxa maraya laba nin oo xoolo dhaqato ah oo huwan go’yaasha guudan ee ay caanka ku yihiin dadka halkaa ku nooli. Waxa ay carraabinayaan ilaa lixdan neef oo lo’ ah, waxaanay sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Tanzania.

Laba sanadood halkaa roob kama da’in, xoolo dhaqato badan oo Joshua Nchoki ka mid yahay ayaa hayaamay oo xadka ka talaabay. Laakiin imika Kenya ayuu ku soo noqday ka dib markii dawladda Tanzania bilawday in ay qabqabato dadka ajaanibka ah ee xoolahooda sida sharci darrada ku daajinayey seerayaasha dalkaas. Laba boqol oo neef ayuu lahaa laakiin haatan wuxuu la soo noqday kala badh in ka yar.

Julius Nchoki wuxu dul taaganyahay meel ay ku dhinteen neefaf kale oo lo’diisa ka mid ahaa oo markaas uun dhintay oo raqdooda diqsi ka buuxo. Wuxu yidhi gaajay la dhaqaaqi kari waayeen oo geedi dheer bay soo galeen oo halkan bay ku dhinteen.

“Neefka halkaa ku dhintay wuxu ku jiray lo’dii aan Tanzania u hayaamiyey laakiin qasab bay igu noqotay inaan soo celiyo dhibaatadii halkaa naga qabsaday awgeed. Waayadii hore kolka abaaro dhacaan aayar uun baanu Tanzania u talaabi jirnay oo ilaa inta roob ka da’ayo xagan aanu ku maqnaan jirnay, laakiin imika waa la isku dacareeyey oo deg deg baan uga soo noqonay.” Ayuu ku cataabay Julius Nchoki

Ilaa intii xadhigu bilaamay waxa la qabtay tobanaan qof oo Maasai-ga reer Kenya ah ayaa Tanzania lagu xidhay bishii la soo dhaafay oo keli ah. kumanaan neef oo lo’ ah ayey dawladdu qabsatay oo dadkii watay laga xaraashay.

Magaalada ku taala xadka ee Loi-tok-tok ayaa cabsida ay dadku ka qabaan in la xidhaa ay aad u sii kordhaysaa, dad badan oo Maasai-ga Kenya ah ayaa ka cadhooday xoolahooga laga xaraashay. Gudoomiyaha dhinaca Kenya Harsama Kello ayaa sheegay in boolis la geeyey goobaha ay joogaan xoolo dhaqata ka too talaabay Tanzania si looga hor tago in weeraro aar goosi ahi dhacaan.

“Haa waxa jirta cabsi laga qabo weeraro aar goosi ah. dadka Maasai-ga ah eek u nool dhinacan Kenya ayaa lo’ ka soo qaada Maasaaiga Tanzania. Markaa waxaanu ka baqaynaa in Masaai-ga reer Tanzania ee xagan u soo talaabay lo’da laga qaado, waana arrin aad u halis ah oo aanan doonayn in ay dhacdo.” Ayuu yidhi Harsama.

Mar la weydiiyey sida ay doonayaan in ay arrinta ku xaliyaan, ayaa wuxu ku jawaabay “Waxaanu doonaynaa in dublamaasiyadu shaqayso, danjirahayaga ayaa wasaaradda arimaha dibadda Tanzania la xidhiidhaya rajo fiicanna waanu qabnaa.”

Ilaa haatan Maasai-ga Kenya waxay Tanzania ka soo qaadeen ugu yaraan shan kun oo neef oo lo’ ah, laakiin dawladda Tanzania waxay ku adkaysanaysaa in aanay xoolo dal kale ka yimid daaqi karin dalkeeda. Warbxin ay soo saartay ayey ugu sheegtay Maasaai-ga reer Tanzania ee xoolahoodu joogaan Kenya in ay si dhakhso ah ugu noqdaan dalkooda. Luhanga Mpina oo ah wasiirka xoolaha iyo kalluumaysiga ee Tanzania, waxaanu yidhi

“Daaqsintu qayb kama aha heshiisyada aanu dalalka jaarka ah la galnay. Xiidhiidhka naga dhexeeyaa waa mid sharciga ku salaysan, markaa qofka dalkayaga xoolahiisa iskala soo galaa wuxuu noola midyahay qof dambiile ah talaabo sharci ahna waanu ka qaadaynaa. Waxa jira xoolo dhaqato badan oo maxkamadaha dacwado kaga socdaan, sababtuna waaa in ay jabiyeen xeerarka heshiishyada laba geesoodka ah ee dalkayaga iyo kooga ka dhexeeya.”

Khilaafkan u dambeeyey ee dhex yaal dawladaha Tanzania iyo Kenya wuxu tilmaan u yahay xiisada isa soo taraysa iyo sida ay hakadka u gashay wada shaqayntii fiicnayd ee labada dal lahaan jireen.

Ugu dambeyn, Bulshada xoola dhaqatada ah ee labada wadan ku nool ayaa iyagana ay arintaasi saamaysay waxaanay caddayn u tahay dhaqaalaha labada dal ee xidhiidhkan xumaaday wax yeelay.

Xigasho; BBC

PUNTLAND POST

The post WARBIXIN: Xaaladaha Nololeed Xoolo dhaqatada Abaaruhu ku habsadeen ee Bariga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this