Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda UNESCO oo soo bandhigtay Jaamacadaha ugu Tayada Wanaagsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

14253bd118b642ed8be5c4a1321b478a.jpg?resMuqdisho (PP) ─ Hay’adda Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa soo saartay warbixin ku saabsan tayada Jaamacadaha ugu wanaagsan Somalia.

UNESCO waxay sheegtay in siddeed ka mid ah Jamaacadaasi ay yihiin kuwo ay aqoonsatay, kaddib markii qiimeynta ballaaran ay sameysay ku ogaatay in tayada waxbarashadooda ay tahay mid heer caalami ah.

Sidoo kale, Warbixinta UNESCO ee Waxbarashadda Sare (UNESCO World Higher Education Datebase) ayaa lagu sheegay in Liiska Jaamacadaha ku yaalla Somalia ee aqoonsiga ka helay UNESCO ay ka mid yihiin;

  1. Mogadishu University (MU)
  2. East Africa University (EAU)
  3. Puntland State University (PSU)
  4. SIMAD University (SU)
  5. Banadir University (BU)
  6. Somali National University (SNU)
  7. University of Burao
  8. University of Hargeysa.

Afar Jaamacadood oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah Liiska UNESCO, halka Puntland ay kasoo galeen labo Jaamacadood, Sidoo kalena Somaliland ayaa waxaa kasoo galay labo Jaamacadood

Dhanka kale, Warbixintaan kasoo baxday UNESCO ayaa waxay imaanaysaa xilli dhawaan ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sheegtay inay dib u eegayso tayada Jaamacadaha dalka ku yaalla, kuwaasoo ay xustay in qaar ka mid ah aysan u qalmin jaamacado.

Ugu dambeyn, Tobankii sano ee u dambeeyay ayaa waxaa Soomaaliya kusoo kordhayay Jaamacadaha, iyagoo haatan maraya in ka badan boqol jaamcadood, kuwaasoo qaarkood la sheego in tayadoodu aysan ahayn mid wanaagsan.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda UNESCO oo soo bandhigtay Jaamacadaha ugu Tayada Wanaagsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this