Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaadkii ugu horreeyay taariikhda oo ka dhacay Eritrea.Yaa looga horjeedaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa Salaasadii shalay buuxiyey waddooyinka waaweyn ee caasimadda Eritrea ee  Asmara,kuwaasoo dalbanaya in si deg deg ah loo sii daayo maamule iskuul islaami ah oo ay xireen Booliiska dalkaasi,kadib markii lagu eedeeyay in uu diiday fulinta awaamiir ka soo baxday dowladda oo  la xiriirtay mamnuucidda xijaabka,sida ay soo werisay Idaacadda Erena oo ay leeyihiin weriyaal reer Eritrea oo deggan magaalada Paris.

Maamulaha la xiray  oo lagu magacaabo Muasa Mohamed Nur ayaa madax ka ahaa iskuulka Islaamiga ah ee Aldiaa ee caasimadda Asmara,waxaana sidoo kale lagu eedeeyey diidmada awaamir kale oo ku saabsan in uu is-beddel ku sameeyo manhajka iskuulka  oo uu ka saaro qaar kamid ah buugaagta tarbiyadda,islamarkaana gabdhaha iyo wiilasha ardayda ah isku-dhex daro.

Muddaharaadka ayaa bilowday,kadib markii ay la helay warar sheegaya in dowladdu raadinayso in ay gebi ahaanba la wareegto iskuulka,taasoo keentay in guddiga waalidiinta ay soo abaabulaan in ka badan saddex kun oo arday ah,kuwaasoo dalbanaya in loo sii daayo maamulahooda,sidoo kalena faro-gelinta laga joojiyo iskuulkooda.

Booliiska Eritrea ayaa rasaas huwiyey dibad-baxayaasha,waxayna xireen qaar kamid ah waddooyinka,si ay u xakameeyaan muddaharaadka oo lagu tilmaamay kii ugu horreeyey ee taariikhda ka dhacay dalkaasi.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Asmara ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Amerikaanka ah ee ku sugan Eritrea,waxayna talo ku siisay in ay ka fogaadaan bartamaha magaalada oo laga cabsi qabo in rabshado ka bilowdaan,sidoo kalena ay taxaddar dheeri ah muujiyaan,xilliyada ay joogaan goobaha lagu badanyahay.

“Safaaraddu waxay heshay xog ah, in dhowr goobood oo Asmara ku yaalla rasaas ka dhacday muddaharaadka awgiis,waxayna kula talinaysa in laga fogaado bartamaha magaalada oo u muuqata in muddaharaadku ku sii fidi karo,iyadoo laga yaabo in la xiro waddooyinka bartamaha magaalada oo Booliisku si weyn u joogaan”,ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradda Maraykanka.

Warka ay soo saartay Safaaradda ayaa intaas ku daray”xataa haddii muddaharaadkan loogu talo galay in uu si nabad ah ku qabsoomo,wuxuu isu rogi karaan iska hor imaad iyo rabshado.Ka fogaada goobaha ay ka dhacayaan dibad-baxyada,taxaddar dheeri ahna muujiya marka aad joogtaan meelaha lagu badanyahay”.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in muddaharaad yar uu ka dhacay magaalada,kaasoo aan wax khasaare ah ka dhalan sida uu hadalka u dhigay”muddaharaad yar oo uu dhigay hal iskuul ayaa Asmara ka dhacay wax khasaare ahna kama dhalan”,ayuu yiri Gebremeskel.

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

 

The post Muddaharaadkii ugu horreeyay taariikhda oo ka dhacay Eritrea.Yaa looga horjeedaa? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this