Sign in to follow this  
Mooge

UAE double dealing

Recommended Posts

Mooge   

Xasan_Khayre_Ciidammo-1.jpg?resize=820%2

 

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo ay Tababartay, isla markaana qalabeysay Dawladda Imaaraadka Carabta, laguna wareejiyay maanta taliska guud ee ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan cirib-tirka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab.

 

“Ciidamadan waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo soo celiya sharaftii iyo kala dambeyntii Qaranka Soomaaliyeed. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan cirib-tirka Al-shabaab,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahad-celiyay Xukuumadda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadan.

 

Sidoo kale, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay muhiimadda koowaad siinayso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.

 

“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa,” ayuu mar kale yiri RW Xasan Sheekh.

 

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciiidanka xoogga dalka.

Xasan_Khayre_Ciidammo-2.jpg?resize=820%2 Xasan_Khayre_Ciidammo-3.jpg?resize=820%2 Xasan_Khayre_Ciidammo-4.jpg?resize=1000%Xasan_Khayre_Ciidammo-5.jpg?resize=1000%Xasan_Khayre_Ciidammo-6.jpg?resize=820%2 Xasan_Khayre_Ciidammo-7.jpg?resize=820%2 Xasan_Khayre_Ciidammo-8.jpg?resize=820%2 Xasan_Khayre_Ciidammo-9.jpg?resize=820%2 Xasan_Khayre_Ciidammo-10.jpg?resize=820%

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow in one hand they "train" somali soldier, on the other hand they fund terrorists. on one hand UAE undermines goverment institutions by bypassing somali goverment when dealing with berbera port, on the other hand they pledge help to somali goverment. 

 

niyoow the UAE is a snake country. you never know where it is hiding and when it will bite. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this