Saalax Posted September 9, 2017 Even a 5 year old knows that marka odaygan wax cusub meesha lama imaan. “WAXBAA INAGA KHALDAN, DARIIQA AYNU HAYNO EE ICTIRAAF RAADINTUNA WAA MADHALAYS, WAXBA KAMAY SOO BIXIN EE DIB HALOOGU NOQDO”…XIL KIJANDHE September 9th, 2017 Hargeysa(XN):-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanu saluug iyo walaac ka muujiyey qaabka loo wado ictiraaf raadinta Somaliland, waxaanu ku taliyey in wax laga bedelo qaabka loo wado ictiraaf raadinta Somaliland. Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Xisbiyada, waxaanu talo u soo jeediyey Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay ictiraaf raadinta Somaliland “Haddii aynu nahay Somaliland, waa inaynu bedelnaa Siyaasadeena ku waajahan Ictiraaf raadinta, waa inaynu dib ugu noqonaa, oo aynu bedelnaa, dariiqii aynu haynay 21 sannadood ka hor ayeynu ilaa maanta haynaa, markaas arinkan Ictiraaf raadintu dib u eegis buu u baahan yahay, waxba inaga khaldan, dariiqan aynu hayno ee Ictiraaf raadintu waa madhalays, waxba kamay soo bixin, ee dib ha loogu noqdo”. Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Maamulka Hawada Somaliland ee lagu wareejinayo Somaliya ayaa yidhi “Dawlad la ictiraafsan yahay ma nihin, haddii aynu noqon lahayn Dawlad la ictiraafsan yahay inaga ayaa la inagu wareejin lahaa, waana in dhinaca kale looga wareega”. Xildhibaan Kijaandhe ayaa mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Waxaan Shacabka ugu baaqayaa, oo aan leeyahay Qabyaalad waxba ha ku doorarina, dalkani hogaan wanaagsan oo daacad ah buu u baahan yahay, marka musharax walba waxaynu ka aragnay iyo taariikhda uu leeyahay ha lagu doorto, saddexda nin ee sharaxani, waa saddex nin oo ilmaadeeradeena, oo walaalaheena, marka waxba cunfi ma jire, ee ninkii halka aynu doonayno dalka gaadhsiin lahaa, aynu doorano, reero tartami mayaan, Faysal, Muuse iyo Cabdiraxmaan, Saddexduba waa ilamaadeeradeen, ee aynu ku kala doorano waxay yihiin”. Xildhibaan Kijaandhe mar uu u diraayey baaq Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan leeyayay Doorasho aan turxaan lahayn, oo walaaltinimo leh, oo la isku tudhayo, diyaar ha loo noqdo, oo hadalada xanafta leh, ha la iska daayo, waxaana ku talinayaa inay inoo dhacdo Doorasho wanaagsan oo Dimuqraadiya, oo sida Doorashada Kenya aan inaga noqon, Beesha Caalamkana waxaan leeyahay Dimuqraadiyada Somaliland ka socota nagu taageera, Doorasho wanaagsana wey inoo dhici doontaa”. http://www.xogsoor.com/waxbaa-inaga-khaldan-dariiqa-aynu-hayno-ee-ictiraaf-raadintuna-waa-madhalays-waxba-kamay-soo-bixin-ee-dib-haloogu-noqdo-xil-kijandhe/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Barwaaqo Posted September 9, 2017 Wax hala saxo iyo fairytale laba macno ayey kala leeyihiine afsomaliga baro oo Bal degaankaagii Taleex soo booqo ,iskana daa sheegashadda cid aanad ahayn adigoo is leh waxbaad Somaliland yeelaysaa. Magacaaga runta ah ka awoow Somalilander buu ahaa reer Koor.... taariikh qurux badan bay leeyihiine adiga waa maxay inangumeednimadda ku hadhaysay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 9, 2017 Barwaaqo adiga uu bahan ina af somaaliga so baratiid. " ICTIRAAF RAADINTUNA WAA MADHALAYS" aka the seeking of recognition is infertile. Markay naag tahay infertile ma laga dhigi kara fertile? jawaabtu wa maya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted September 9, 2017 Anigu kolkaan dersay, Saalax maha qof fikir ama mab'da leh. Qofku marka uu mab'da leeyahya, ama uu leeyahay yool dheer wuxu yeesha dabar ama "red-lines". Saalax qof leh "red-line" maha. Waa shakhsi ku istiraaxa dagaaladda qabiiliga ah "kaa dhimay oo kugu dhimay". Waa shakhsi ku wiirsada dhibaadata qof Somaliyeed, xataa hadii ay dhibaatu tahay mid rabaani ah. Waa shakhsi aan ka xishoon qof rayid ah oo aan hayn xil dawladdeed, sida caruurta Madaxwayne Silaanyo, sawiraddoda private ka meelaha soo dhiga. Kolka uu qofku shakhsi nooca yahay, waxa su'aala runtii waxan ma "online" kali ah miyaa mise waa sidu qofku abuurtiisi ilaahay tahay? Waxaan u fidiyay Saalax hadii xiniinyo leeyahay inu fool ka fool ragga u soo hor fadhiisto. Anigu kolay waxaan ku noolay Dalka Australia magaaladda Melbourne. Diktoor Oodka waa reer London... Hadii Saalax ku noolshay Europe, North America, ama Carabaha, I have contacts in all those regions. Bal meesha aad aduunka kaga noolshay iso sheeg, aniga ayaa arange garayna qof macquul ah oo Coffee ama Shaah la cabto oo bal shakhsiga aad tahay warkiisa Somalia Online uso gudbiya. Anigu kolay waxaan ahay hadii qof doonaayo inu ogaado, sidaan hore u sheegay Melbourne ayaan ku noolay, waxaan ka shaqeeya CBD. Anytime I can catch up for a coffee qofkii doonaya. I am a regular at the Collins Street ANZ building. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 9, 2017 Suldaan thanks for telling us your background but what has that got to do with what Xildhibaan Kijandhe said? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted September 9, 2017 Dadka buufiska gooni isu taag kudhacay, waxay lamidyihiin dhaliyarada badda ku rogmatay. Saalax iyo inta "pragmatic ah" waa idinka saxsan yihiin waayo waxay ogaadeen in dadka jecel inay Somalia kala jaraan inay weli derbi madaxa ku qaraacayaan. Instead they should put more energy into Somali unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted September 9, 2017 @Saalax said: Suldaan thanks for telling us your background but what has that got to do with what Xildhibaan Kijandhe said? Ha meermeerin... Saalax so sheeg halka aad ku nooshay iyo inaad diyaar tahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 9, 2017 @Peace Action said: Dadka buufiska gooni isu taag kudhacay, waxay lamidyihiin dhaliyarada badda ku rogmatay. Saalax iyo inta "pragmatic ah" waa idinka saxsan yihiin waayo waxay ogaadeen in dadka jecel inay Somalia kala jaraan inay weli derbi madaxa ku qaraacayaan. Instead they should put more energy into Somali unity. I don't know how any sane person can believe recognition is coming anyway after nearly 30 years. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 10, 2017 Oodweyne you seem very upset about the reality. Fact is Somaliland is not getting recognition. Somaliland is just like any other semi autonomous region part of Somalia just like Puntland. Nothing special. Anaga third world without sewage system ha ino xayaysiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 10, 2017 Yawns. Poor ad-hominem won't get you anywhere Oodweyne. Do you really think anyone bothers to read your repetitive trash? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 11, 2017 Cadaani Oyaaye shubanka ka dhaaf topica. Unfortunately it seems you have gone senile like old man Silanyo and have nothing worthy to say nowadays. Quote Share this post Link to post Share on other sites