Sign in to follow this  
Saalax

Disgraced Siilanyo goes under the knife in Dubai (Appendix/Qabsiin removed)

Recommended Posts

Saalax   

Most of the so called "political" abroad trips that his supporters

try to sell to other people are in fact trips for health reasons.

 

 

 

 

 

Siilaanyo oo qaliin fudud ku gallay cisbitaal ku yaala Imaaraadka Carabta

 

Talaado, August, 22, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hawlo caafimaad u jooga wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in qaliin fudud lagu sameeyey,isla markaana laga saaray qabsin (Appendicitis).

 

Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa warbaahinta u sheegay in baadhitaan lagu sameeyey madaxweynaha lagu ogaaday in cilad xaga qabsinka uu jiro, taasina ay keentay in markiiba qaliin fudud lagu sameeyo oo laga saaray qabsinkii, haseyeeshee uu hadda madaxweynuhu caafimaad qabo.

 

“madaxweynuhu wuxuu jooga Abu-dabay, waxaana lagu sameeyey Badhitaan caafimaad wax dhibaato ah kama soo bixin, kaliya waxa lagu sheegay Qabsin in laga saarayo, qabsinkiina waa laga saaray, caafimaadkiisuna wuu fiican yahay 100%”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.

 

Afhayeenku waxaa uu sheegay in uu hadda xaaladda Caafimaad ee madaxweynuhu fiican yahay,isla markaana cisbitaalkii uu ka baxay oo uu hadda shaqadisii caadiga ahayd ku gudda jiro.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalintii Jimcihii toddobaadkan ka dhoofay magaaladda Hargeysa, waxaanu safar khaasa ku tagay wadanka Imaaraadka Carabta, haseyeeshee dadka looma sheegin inuu xaalad caafimaad u tagay, balse markii uu qaliinka ka soo baxay dadweynaha loo sheegay inuu madaxweynuhu qaliin fudud galay oo uu hadda caafimaad qabo.

 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

 

barkhadladiif@hiiraan.com

 

Hargeysa, Somaliland.

 

https://hiiraan.com/news/2017/Aug/wararka_maanta22-142509.htmg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this