Sign in to follow this  
Suldaanka

Ex-Army Somalia army officer talks 1977 effort from SNM clans -

Recommended Posts

gooni   

Nimankaan taariikh waxba kama hayaan saaxiib qurabahaa waayaradii maskaxdooda ugu muhiimsanaa ku gubteen,nasiib daro qabiilkaas ay qaarna caynayaan qaarna amaanayaan bay shacbiyad ku helaan

 

77'kii soomaaliyoo dhan yaa jidbaysnayd beesha dhexe ka mid bay ahayd soomaalida, walina waa ka mid

 

waa nadaamkaan cuqdada laga saari la'yahay mushkiladda shacabku jiheeye fiican haday helaan waa gob.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa hubaal ah, inaan sidii 1977ka uga qayb qaateen goboladda waqooyi siiba Hargeisa, aanu jirin gobol kale ama beel kale oo uga qayb qaadatay.

 

Waxa loogu abaal guday in dhamaan saraakiishi beesha ka soo jeeday ee 1977ka ugu cadcadaa in inta saf lasoo galiyo inta garbaduub loo wada xidho dhamaan madaxa laga wada toogto.

 

Waa dhacdooyinka ka mida sida kaaf iyo kala dheeri u tahay kuwa ku hadaaqaya "Midnimo".

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

midnimadu baryo ma'ahan walaal,cid wax gaara sidata ama laga doonayo ma jirto waa garasho fog oo u baahan caqli aan nabar lahayn,jamhuuriyad yar oo beelo laysugu keenay macno samayn mayso

 

tan aad leedahay saraakiil baa gardaduub loo xiray beel gaara anigu ma maqal,haddaysan ahayn borobagaandada shacabka wadnahooda lagu daloolinayo.

 

shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay snm inay tahay furaha qaybinta soomaaliya una adeega shisheeye jecel somali daciifa.

 

waa waxaan hubo iskama hadlayo,dhaqan soomaaliyeed iyo mid muslin oo ku dhisan in lays cafiyo oo mowtida qabuurahooda la xurmeeyo way dhinac marsan yihiin.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adigu kula yaabi maayo qof waliba environmentka uu ku soo qaan-gaadhay ayuu la caqli yahay. Kolka hadii aad adigu Somaliland ka aaminsantay wax khaldan, waa environmentka aad ku soo barbaartay ayaan sax ahayn.

 

Anigu Somaliland waxaan ka aaminsanay waa qadiyadda kali ah ee Somali ku badbaadi karto. Waa waddada loo mari karo Somali oo mar kale sumcaddeeda ku yeelata aduunka. Ninkii taa ka soo horjeeda, dan Somaliyeed ma wado.

 

Waxaad ka dhawaajisay Somaliland afar qabiil oo isu tagay macno samaynmayso. Jawaabteedu waa Dal walba waa dadka u dhashay waxay ka dhigaan, Ama afar qabiil ha noqoto, ama hal qabiil ha noqoto, dadka rer Somaliland waa waxay dalkooda ka dhigan ayu noqona.

 

Hadii Somaliland la barbar dhigo aduunka, dhanka baaxadda dhulka waxay ka wayntahay ugu yaraan 120 dal oo hada la aqoonsanyahay. Dhanka population waxay ka wayntahay ugu yaraan 60 dal.

 

Kolka caqli odhanaya Djibouti waa dal madax banaan, Somaliland oo 5 jeer ka wayn, odhana isma bixin karto, waa caqli u baahan in dib isugu noqdo.

 

Dhanka kale, awoowe, midnimo qof reer Koonfur ah inu ka hadlo waa ku "Deel Qaaf". Waa gacmo daalis.

 

Anigu shakhsi ahaan, waxaan daneeya qofka reer Somaliland ee aaminsan (hadii uu wali jiroba...) bal inu noo cadeeyo midnimo nooce ah ayu doonaya. Ma mid ah inu damacsanyay in Somaliland ku dhex milanto kaaba-qabiilka maamul goboleedka lagu sheegay ee Somalia laga hir galiyay.. mise wax kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this