Che -Guevara Posted June 20, 2017 Puntland Galmudug Agreement I am surprised they agree on this let alone anything else. I give this few days. Hopefully, I will be proven wrong. In si nabad ah loo wada daaqo Naqa,ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan in ay soo galaan dhulka Naqu ka da’ay ee Puntland, si taas loo hirgaliyana waxaa laysla gartay. http://hobyonet.com/2017/06/20/dhagayso-dhamaan-qudbadihii-laga-jeediyay-hashiiska-gaalkacyo-ku-dhex-maray-puntland-iyo-galmdug/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted June 20, 2017 Dhulka naqu ka da'ay? naqu ma da'ee waa soo baxaa waa roobka waxa da' wariyaashu inay afkooda bartaan si wanaagsan waa muhiim. inta badan colaadu waxay timaadaa marka xooluhu naqa daaqaan, hadana dararaan, cad iyo caano yeeshaan. markaas ka dib reer miyigu meeshay ilaahay u shukrin lahaayeen intooda badan, bay xasuustaan dakano ama aano waayo hore ka maqnayd. Tan kale puntland waa talaabo wanaagsan inay dadka soo dhawayso abaartu hayso,waxaase la yaab leh ayagoon hub wadan,hasoo naq doontaan! kuwa reer puntland hubkooda ma dawladaa haysa? si kastaba waa arin wanaagsan ceebu kuma jirto in dadka wada noolashahooda laga shaqeeyo. Markeeda hore iyo aakhirkana waa walaalo, dhulkuna xuduud ma leh waa dhul soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ElPunto Posted June 22, 2017 ^Isbuuc kahorteed bay mooryaan Galmudug ka timaday dad ku layeen Puntland. Adna waxaa leedehay hubka maxa looga dhigayaa??? Reer Galmudug dariis wanaag kula ma dhaqmaan reer Puntland. Hadii aan la xalin nidaam laanta ka jirta Galmudug oo police adag iyo ciidan macna leh oo so qabta dadka rabshada wada - wax heeshiis oo soconaya ma jirto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted June 22, 2017 alpuntland saaxiib reer miyigoo dhan nadaam kama dambeeyaan mana aqoonsana wixii madaxoda kusoo dhaca way ku kici labada dhinacba balse waxaa jirta dhaqanka dilalkooda ama aanooyinka yaa kala badalan dhaqan ahaan waxaa laga yaabaa dhanka cadaado intay qof dilaan inay hadana subag beeca kaa iibiyaan marka waagu baryo. Reer puntland'se kuma dhacaan,mana aadaan jihadooda xataa haddii roob badan ka da'o. Aakhirka waa walaalo, allaha hadeeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 22, 2017 Gooni, the violence and aggression is one-sided. I don't think reer Galmudug understand coexistence and compromise. They conflate Puntland's willingness to make peace with weakness. And unfortunately, there are no political or traditional institutions that can implement things that do agree to. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted June 23, 2017 Che arintu waa labo qaybta miyiga ama reer guuraaga iyo qaybta maamulka iyo siyaasiyiinta Qaybta miyiga,reer miyigu daciif ma noqdaan labada dhanba way yaqaanaan sida wax loo dilo hubna way hsystaan cid kalana kama amar qaataan. Qaybta maamulka ama siyaasiyiinta waa xaqiiq in puntland u dhawdahay maamul habaysan oo kala dambayntiisu wanaagsantahay taasna waxa keenay maamul ma'ahan waa shacabka odayaasha dhaqanka culumida haweenka oo inta badan xumaanta u xaliya si ka duwan gobalada kale Tusaale qofkii iyo qoyskii ay arkaan inay xumaan wadaan waxay geliyaan diiqad nafsi ah oo ay dareensiiyaan inay ka duwan yihiin bulshada kale. Runtiina waa dhaqan wanaagsan oo bulshadu iskood u samaysteen Galmudug waxaa ku badnaa dagaalada sokeeye xeerar badan baana ka lumay. maamulkuna dhex gal fiican kuma laha bulshada ama dhaqaale ha ahaato ama wacyi gelin kale ha noqotee Reer miyiguna wuxuu dhaqaale badan ka helay dariiqa isku xira galkacyo ilaa cadaado meel u dhaw, jufo walbana intay degto bay dawlad ka tahay canshuurtana ka qaadataa gaadiidka ku safraya, maamulna ma jecla waayo waxba kama soo galaan ismana dhex galaan. Dad wabaagsna way ku jiraan balse ciqaabtu way salfanaysaa xataa inta wanaagsan. Markaad cadaado gaarto ilaa iyo matabaan oo ka bilowda hiiraan ayadana dhaqan kale iyo maamul kale yaad u galaysaa runtiina wanasgsan. Hiiraan ilaa jawhar agteedana sidoo kale waa dhaqan kale ilaa maashaa allaah koonfur ku tag, maamulka dhabtaa waa bulshada iyo hab dhaqankooda saaxiib. kuwa xalaasha cuna oo u roob raacay puntland ayagoo hubkooda wata yay la noolaan karaan reer puntland sidaan qabo waana dhaqan hore oo soo jireen ahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites