Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 22, 2004 Salaan... Tan qabsada, koleey sida aan u maqlay lee waaye. ________________ Xariifkoo baadiye ku noolaan jiray aa maalin jimce eh masaajidka aaday, oona kusoo toosay oo wali ay khudbadii jimcaha socoto, wuxuu meel ka yara fog ku arkay nin ay is yaqaaneen oo isagana xariif kale oo reer baadiye ah kaasoo waliba aad u oynaayey oo fiq...fiq...fiq suu iskugu waday ka dhamaatay. Markii salaada dhamaatay ayuu wuxuu u yimid ninkii ooynaayey isaga oo aad ula yaabanaa waxa uu ninkaa la ooynaayey sababtoo ah ninka af Carabiga ma uusan garaneynin oo si fiican bey isku yaqaaneen, khudbadana Carabi ee ku socotay. Fiidoow: Ar Jimcaale, xaad la fiqleeynee, ma af Carbigaad taqaanaa? Jimcaale: Aryaa shub iga dheh! Fiidoow: Ii sheeg hee, shub waaba dhahayee. Jimcaale: Aryaa wadaadka garkiisa ma u jeeday? Fiidoow: Xawlahaay, gar dheeroow lahaaye. Jimcaale: Aryaa garkiisa orgi shil hore iga lumoow u ekaay! _______________ Hada kahor aa oday indhoole eh oona waayeel eh guursaday gabar yar. Maalinta guurka ka bacdi ee ku tiri odaygii, "Haddaad ogaanlahayd caddaantayda, quruxdayda, suuradeyda iyo qaab-dhismeedka jirkayga waad yaabi lahayd nasiibkaa igu heshay." Odayga aa u jawaabay, wuxuu ku dhahay: "Haddeey arrintu sidaas tahay dhalinyarada indhaha qabta iigama kaa tageen." _______________ Ilaahoow na cafi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Akash Posted February 22, 2004 Miskiin Macruuf.. Salaan Wacan bro. Sxb Ninkaa Jimacaale qiiro gaaban Ayaa haysay Lakiin Fiidow ayaa runta u sheegey Waa mida kale sxb Ninka Waayeelka ahaa ee Gabadha yar guursadey cidi uma dhaafteen hadii ay tahay Gabadh qurux badan... Alla dumarku Faan`badana... Quote Share this post Link to post Share on other sites
7_steps_2_Heaven Posted February 24, 2004 lool anigana waxaan isla haay Jimcaale Ilaah daraadiis buu u qushuucay. lax jeclida meesha ey ka gaareen xoola dhaqatada. mida labaad....ninka indhoolaha isha oo ka toogday! ___________________ beri baa waxaa la yiri naag reer baadiyo eh baa salaad tukaneesay, quraan malaguu yaqaano, laakiin wey ogtahay in salaad la iska rabo. salaadi bey iney u istaagday ee wexey tiri "ilaaheygii saca madooweey oo caanihina cadeey, ALLAHU AKBAR". salaadi waaba la xirtay. Is the thought that counts, eh? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 4, 2007 Yac. Quote Share this post Link to post Share on other sites