Sign in to follow this  
Mooge

Alshabab and GALMUDUG attack Galkacyo - Baraxley district refugees flee

Recommended Posts

Mooge   

Dagaalyahanada malayshida Al shabab ayaa ka qayb galay dagaalkii maanta duleedka xafada garsoor ee gaalkacyo ku dhex maray ciidanka difaaca Puntland malayshiyo isgu jirtay al shabab iyo waliba kuwa maamula xafada baraxlay.

Waxaa xusid mudan duqayntii dhawaan malayshiyo kamida al shabab lagu duqeeyay deegaanka jeexdin ayaa waxaa ku jirey ciidamo kamida maamulka xaafada baraxlay waxaana qaar kamida dagaalyahanada dagaalka maanta ka qayb galay ay sheegayaan inay aarsanayaan Duqayntii jeexdin.

Qaar kamida malayshiyada dagaalka ka qayb gashay oo Al shabab ku jiree ayaa ku hadalyay hadalo cadeynaya inay dagaalka ku aar gudanayaan malayshiyadii Jeexdin maraykanku uga duqeeyay waxaana dowlada Puntland bayaankedii ku xustay in Al shabab iyo galmudug hanjaabo kaga imanayen wixii duqaynta jexdin ka dambeeyay

Hoos ka dhagayso Codadka Al shababka dagaalka ka qayb galay iyo Malayshiyada Gal-Nus

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Co,c/ Salaan Xuseen Nuur Waxaa uu kamid yahay masuuliyiinta maamulka xaafada baraxlay ee koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegey in malayshiyadii dagaalka maanta gashay ay dhufayso ka qodanayaan meel kamida xafada baraxlay.

Qanacsatada ,Wax garadka iyo qaybaha muhiimkaa ee baraxlay ayaa uu sheegey inaysan qaban karin malayshiyadaan hubaysan balse iyagu ay dalbanayaan in dagaalka la joojiyo madama khasaare baaxadleh uu dagaalkii maanta ka soo gaarey.

Dagaalka ayaa uu sheegey inay hogaaminayaan dad dagaalku kucusub yahay Soomaalinimadana aan wax ka aqoon balse ay dalbanayaan in nabad la qaato madama maanta kaliya uu soo gaarey khasaaro lixaadle hadii mar kale wax dhacaana dhibaato badan imaanayso.

Caawa xaafada baraxlay ayaa waxaa ka soconaya barakac xoogan waxaana laga maqlayaa hoonka baabuurta dadka xaafadaha ka guraya waxaana shacabku ka walacsan yihiin saamaynta dagaal mar kale biri dhaca taasi oo dhibaato kasoo gaadho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

iwaydaarsanayeen Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug, waxaana hada istaagtay israsaasayntaas kadib markii Ciidanka Galmudug ay dib ugu noqdeen dhanka Xaafada Baraxleey.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dawladda Puntland ee ku sugan Xurfada ayaa noo sheegay in saaka markii waagu baryay ay arkeen Ciidan Galmudug ka tirsan oo soo dagay Maxjarka Cusub halka laga hirgalinayo, waxaa uu sheegay in ay iska difaaceen.

”Israsaasayn kadib waa guureen Ciidankoodii anaguna diyaar ayaa u nahay inaan iska difaacno cid walba oo nagu soo gardaroota” Ayuu si kooban noo sheegay Sarkaalka nala hadlay.

Jawiga ayaa hada dagan, mana jiraan wax khasaare ah oo la hubiyay oo ka dhashay dagaalka Saaka dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this