maakhiri1 Posted June 16, 2016 Ciidamada Eritrea ASMARA — Dowldda Eritrea ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar Ethiopian ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka abdan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay axaddii iyo Isniintii. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegadan, oo ay dowladda Eritrea ku baahisay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay. Wareysi uu siiyey VOA ayaa wasiirka isgaarsiinta Ethiopia Getachew Reda waxa ku sheegay in tiradaasi aysan ahayn mid sax ah, hase yeeshee ma uusna beenin. “Ciidamo dib u garasho ku jira oo jahwareersan ma garan karaan waxa dhacay” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay in Ethiopia aysan wax dan ah ka lahayn inay baahiso khaariihii ka dhashay dagaalka oo ay qiimeynteeda ku ogaatay. Labada dhinacba waxa ay sheegteen inay ku gacan sareeyaan dagaalka oo Axaddii iyo Isniintii ka dhacay magaalada xududda Eritrea ku taalla ee Tsorona, oo ah magaaladii dhalisay dagaaalkii weynaa ee labada dal dhex maray 1998-kii illaa 2000. Quote Share this post Link to post Share on other sites