Asad Ahmed Posted June 14, 2016 Waxaa maanta la soo gaba gabeeyay howlihii dejinta ee Markabkii siday deeqdii mucaawinada ee ka timid dalka Turkiga, kaasoo dhamaadkii bishii hore ku soo xirtay Dekeda Muqdisho. Deeqdan oo ka kooban 11-kun oo tan raashin mucaawino ah oo Turkiga ugu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha bani’aadanimada ku heysta gobolada dalka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan bilaabi doonto qeybinta deeqda mucaawinada ee ka timid dowladda Turkiga. “Dhowaan waxaa la bilbabi doonaa qeybtinta gargaarka mucaawinada ee Turkiga ka timid, waxaa dadka loo gaarsiin doono sida ay u kala daran yihiin inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan”ayuu yiri C/rashiid Xidig. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu wareejiyay deeqdan mucaawinada ee ka timid Turkiga, iyadoo lagu wado in la gaarsiiyo qaar ka mid ah gobolada dalka, kuwaasoo ay ka jirto xaalado nololeed Quote Share this post Link to post Share on other sites