galbeedi Posted May 15, 2016 ......... qormo af Soomaali. Maadaama aan rabo in aan dhex galo arrimo xaasaasi ah maqaalkan iyo kuwa kele oo soo socda Af-Soomaali ayaan ku soo gudbin. Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya Jigjiga waxa ay sheegayaan i Madaxweynaha Galmudug ogolaaday in maleeshiyada Galmudug hoos tagto ciidamada Ethiopia ee immaanaya Cadaado. Arrintani waxa laga yaabaa in ay dhamays tirtay in Ethioipia ay maamulada Soomaalidu soo wada hoos yimaadaan. Bishii ina dhaaftay ayey ahayd markii reer Gedo isu dhiibee Kenya. Waa sunnada cusub ee Soomaalidu wada marayso. halkaa aan ku yara noqdee weli ma soo wada dhamaan ee qaar ayaa jira marka ay sunadaas maraan oo guulna ka gaadhaan, in qaylada ka dhacda meel dheer laga maqli doono hadii aan la is daba qaban. Galmudug markaan leeyahay uma jeedo Galgaduud ama guud ahaan gobolada dhexe. Wiilasha Reer Galgaduud, ha joogaan Cadaado, Caabudwaaq ama Dhuusamaredd, waa koox dhibaatooyin badan ka geystay badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Mida kale, reer Galgaduud mar hore ayey isku dhiibeen Ethiopia. Sanadkii 2009 kii, ayagoo uu horboodayo horjoogahoodi Axmed C/salaam ayey isku dhiibeen janeraal Gabre, taliyihii ciidankii Ethiopia ee Muqdisho fadhiyey markay dalka soo galleen. Siyaasada uu Ina C/sallam dejiyey waa tan ay damjadiid iyo siyaasiyiin badan oo Soomaali ahi kaga daydeen , islamarkaana ku shaqeeyaan. Waxa uu ka dhaadhiciyey Gabre in dadka "Muqaawamada" ahaa ee la dagaalamyey Ethiopia iyo dawladii ku meel gaadhka ay dhamaantood yihiin beesha USC guud ahaan gaar ahaana reerka uu ka soo jeedo e fadhigoodu Galgaduud yahay. Arrintaas oo runta aad uga fog, sobobtoo ah markii xukunka uu la wareegay Shariif Ahmed iyo kooxdiisu dagaalkii maxakamaduhu wadeen ma joogsan ee waji kale ayuu qaatay. Waxa uu u sheegay siyaasiyiinta beesha oo uu ka mid yahay Hassan Sheekh Mohamuud in Ethiopia oo dhabarka la saaro ay u fudeynayso in uu kursiga si nabad ah ugu fadhiyo oo sidii c/laahi Yusuf an la inqilaabin. Sidoo kalena waxa uu Gobolada dhexe ka sameeyey koox hubaysan oo laga soo hubeeyey lagana maamulo Ethiopia oo lagu magacaabo " Ehlu Suna Wal Jameeca" ama wadaado kitaab iyo qori la ordaya. Galmudugta aan ka hadlayo waa mid salka ku haysa Mudug oo raad weyn ku leh taariikhdii hore ee Soomaalidii hore iyo tan casrigan aynu joogno. Claahi Ciise oo abihii Mudug ka soo jeeday raad wanaagsan ayuu kaga tagay tarriikhdii SYL iyo tii lixdamaadkii. Waxa uu ahaa raiisul wasaarihii u horeeyey ee wakhtigii daakhiliga ee haddana diyaariyey in uu madaxweynaha u horeeya ee Soomaalida xorta ah noqdo qof kale, taas oo gebi ahaanba ka soo horjeeda sunada ay Afrikaanku bilaabeen ay iyagu is bokhraan. Mohamed Faarax Caydiid (Ahn), oo isaguna reer Mudug ah ayaa raad taban iyo mid toganba ku leeyahay taariikhda Soomaalida. Waxa uu ahaa nin aan cabsan oo mayal adag xagga siyaasada. Waxa uu kaga daba tegay xuduuda Kenya isaga oo eryanaya madaxweynihii Jamuuriyada Soomaaliya, waxa uuna gacanta ku dhigay Gaalkacayo iyo Kismaayo inta u dhaxaysa. In kasta uu guulo military gaadhay haddana waxa uu awoodi waayey in dhaqdhaqaaqiisa uu ka dhigo mid qaran oo dawlad dhisid iyo maamul dawladeed ku wajahan. Milishiyadiisii waxay noqotay kuwa ujeedadoodu aanay dhaafsiisnayn ujeedo beeleed iyo aargoosi. Sidoo kale waxa aan la dafiri karin in Maanifesto, oo ahayd siyaasiyiin aan hubaysnayni Caydiid kaga guulaysteen dhinaca siyaasda markii ay Djibouti ku soo caleemo saareen Cali Mahdi oo aan ka mid ahayn hogaankii jabhada USC. Aalaaba wakhtiyada kala guurka ah waxa xukunka loo dhiibaa dadka hubaysan ee awooda la wareegay , ama cid ay gacan saar la leeyihiin. Arrintaas ay Maanisfesto ku dhaqaaqday waxay horseeday dagaal sokeeye oo iska horgeeyey laba maroodi oo awood beelleed kulaha koonfurta iyo Benadir. Dhacdooyinkaas iyo kuwa kaleba waxay horseedeen burbur , colaad iyo gaajo keentay in aduunyadu soo fara geliso Somalia. Gebagebadiina waxay keentay in Maraykanka iyo Caydiid isku dhacaan. Dagaal kaas dhex maray Caydiid taageerayaashiisa iyo Maraykanka waxa uu raad weyn ku yeeshay fikrada Soomaalida laga qabo ee ah dad dagaal yahaniin ah oo aan la gumaysan karin. Filimka la yidhaahdo " black hawk down" ayaa calaamad u ah mushkilada Soomaalida ee aduunka gashay. " Waxa aad tahay Libaax Libaax dhalay, haddii madaxda Afrikaanku adoo kale noqon lahaayeen Afrika lama gumaeysteen". Wxa sidaa yidhi raiisul wasaarihii hore ee Ethioipa Meles Zanawi mar uu xafiiskiisa ku qaabilay Caydiid 1993. Markii la doortay madaxweynaha cusub Bill Clinton, waxa uu Soomaaliya ka soo saaray ciidaadii Maraykanka waxa uuna ku wareejiyey hawlaha Somalia dawlada Ethioipa. In kasta oo Meles awoodaas la siiyey hadana kuma dhiiran in hawshii loo diray uu fuliyo. Meles marnaba kuma hamiyin in uu ku soo ruqaansado ama toos u farageliyo intii uu Caydiid noolaa. Muxuu yidhi abwaankii: Hashaan gaada wetnow libaax uga gaban waayey in aan goroyo cawl uga tegaa waa wax soo gudhaye Meles waxa uu ogaa in aanu ku soo dhici karin Soomaalida inta ay nool yihiin kuwa Caydiid oo kale ah ee aan marnaba maal jacayl iyo cabsi geeri aanay ku jirin. Wuu ogaa in aanu hunguriyeyn karin Soomaalida qabku ku jiro ee aan marnaba ogolaanayn in ay biyaha u dhaamiyaan Ethiopia. Marka loo eego kuwan maanta jooga waa arrin la yaableh. Ethiopiaanku way yaqaanaan qofka ay heeryaha dul saaranayaan. C/laahi Yusuf oo ay taangigooda Muqdisho ku keenan way ka baqeen , maadaama uu ka mid ahaa Soomaalidii mayalka adkayd. waxay ogaayeen marka uu awood yar sameysto in uu iyaga ku soo jeesan doono. Nin aanu saaxiibo nahay oo u dhuun daloolay xukuumadii C/laahi Yusuf , ayaan 2007 wax ka wediiyeey markii uu Muqdisho ka qabsaday maxakamadaha. Waxa uu yidhi , C/laahi awood Madaxweyne ayuu lahaa intii uu u soo socday ee uusan Muqdisho imaan, hase ahaatee maalintii uu soo galay, cidii waday (Ethioipia), waxay bilaabeen in ay horjoogsadaan ajendihiisii. Raggii ma adigaa ka hadhay Runtii ma anigaa ka baqay Waxa la yidhi meel aar ka kacay atoor ( bakayle) fadhiisay. ragaas reer Muduga ah ee ann soo sheegnay waxa bedelay kuwa aad u liita oo karti iyo geesinimo ku yar tahay. Damjadiidkan aynu hadda aragnay waxa lagu tilmaami karaa , dhinac waa wadaado nasakhan oo diin u ehel sheeganaya, dhinac waa dad musuq maasuq ragaadiyey oo wax urursi ku jira, hase ahaatee aragtidooda siyaasadeed iyo xukun jeclaysigoodu waxa uu keenaya in Soomaalidu ukala baratento kuwa nacabka ah ee halkaa dhigay. Haddaba reer Muduga oo Soomaalida ugu mayalka adkaa markay halkaas maraan, maxaad kuwa kale sheegi. Hawshan isdhiibista Soomaalida oo mar hore soo bilaabatay waa arrin khatar badan oo keeni karta in dwalado yar yar oo la noqdo daaye horseedi karta gaajo iyo dib u dhac aan dhmaanayn. waa arrin u baahan in si qoto dheer loo eego. Xagay ka bilaabatay?, xagey ku socotaa?, wakhtigan xaadirka yaa gacan sareeya?, halkayse salka dhigi doontta?. Qormadan soo socota ayaan jecelahay in aan ku qaadaa dhigo dalkan la sarifanayo. Nacasoow gumaysiga nabarada qarsoon iyo igu raabay naafada nabad lama wadaagee. Ma nastoo habeen qudha nabad kumaa casheeyee naakhuudayaashiyo nacabkaan illalsha. Hadii nabad la waayana dhan kastaba ha noqotee nacas igama libin helo naxariisna uma galo Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted May 17, 2016 Runtii waa qoraal si wanaagsan u kala saaran. Galbeediyow Itoobiya geedahay soo abuurtay taariikhda soomaalida waxaa ku qoran geed adayg iyo libaaxyo, miriha ay cunaysana waxay u yaqaanaaan damjadiid iyo bakayle xanuunsan. Ma waxaad leedahay nin mudug ilaa kismaayo orod ku tegay asagoo qabiil keliya wata itoobiya lafaheeday uga baqaysay kumana dhiiran karin? Mise waxaad leedahay c/laahi yuusuf ma ogolayn in itoobiya dhul soomaaliyeed qabsato? Reer mudugu ninkay libaax ugu yeeraan waa laga fogaadaa waa dilaa sokeeye, reer bariguna waxay yiraahdaan boowe waxba lama joogo. Mahadsanid Awoowe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted May 17, 2016 Galbeedi, ina adeer waxba ha is daalinin. Dad aan dhug iyo dareen midna aan lahayn baad la hadlaysaa. Soomaalidii mayalka adkayd oo gumaysidiidka ahayd waa horay bud-dhigtay. Kuwanse maanta jooga, araggooda maa dhaafsana ismaandhaafka yar ee ka dhexeeya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 20, 2016 Atoorku waa sagaarada keega lab! waxaan islahaa nin reer guban ahi si fiican buu u garane!! oday galbeedi in badan buu si dheelitaran oo maanka ku salaysan u hadlay laakiin waxa aan arkaa in dareenkii wadaninimo ka roonaaday oo uu laabta ka hadaaqayo. Hadii aan caydiid ka hadlo, Waxa uu si badheedh ah u daadshay dhiig soomaaliyeed, Ma ahayn dublumaasi, mana lahayn ujeedooyiin ka fog maamulka soomaaliya (mar uun madaxwayne noqo). Laakiin waxaan odhan karaa xoogay yar oo dal jacayl ayaa dhiigiisa ku jiray marka la barbardhigo dagaal oogayaashi kale ee xiligaas, iyadana tolnimada ayaa kala balaadhatay markii danbe, maan-gaabnimada siyaasadiisana taariikhdu si fiican bay u diiwaan galisay. in defense of itoobiyaanka, Hadii aad adiguba daris la tahay dal kollayto kugu liddi ah, oo mar walba aad ogtahay inay siyaasadooda qaran tahay sidii ay dalkaaga jiidh uga goysan lahaayeen (waa soomaali galbeede) adba waxaad ku dadaali lahayd sidaad u turun-turayn lahayd ama siyaasadaas kugu liddiga ah u dabar goyn lahayd. xidhiidhka aan itoobiya la yeelan karnaa waa mid sillan-sugan ah, Hadeer xidhiidhka ina dhex yaal waa mid sillan, laakiin hadii maan indheer-garad ah la adeegsado dhinaca sugnaanta ayaan u janjeedhin karraa. hasayeeshee,waxaas oo idil waxa ka horeeya inaan fikirkeena doorino, aynu ka baxno gaashaan dhigga noqono kan weerartamaya. kama hadlayo dagaal qori iyo madfac ah ee mid maan iyo dublumaasiyadeed. 5 milyan ayaa lagu qiyaasa soomaalida ku nool dagaanka galbeed, dhulkooduna waa ka badanyahay 25% masaaxada guud ee itoobiya, Itoobiya diyaar uma aha inay sii dayso, Waayo "domino effect" ayay ku noqonaysaa sida somaliland ugu noqotay Somalia, midda kalana waxa ay u tahay "buffer zone" ay iskaga ilaaliyaan Soomaalida hadeer qalaalasaha ku jirta. xalku waxa uu yahay in soomalidaas lagu dhiirigaliyo itoobiyaanimada!..Waanay bilaabantay. Soomaali badan oo ku barbaartay Itoobiya, wax ku baratay, kuna nool itoobiya ayaa aaminsan in la isku wadi karo wadaniyadooda itoobiyaanka iyo qawmiyadooda Soomalinimada ah, waana habka ugu haboon ee loo suurto galin karo Soomaliya iyo itoobiya nabad iyo jacayl ku wada nool. Haa dabcan, Waa inaan itoobiya nabad iyo jacayl ku wada noolaano, Qorshaheenu maaha inaan colaad dabadheer ku jirno, Xad kun mayl ah ayaa inoo dhaxeeya, mana aha runtii cadaw aan si dhayal iska ag joogi karto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coofle Posted May 20, 2016 laakiin nasiib darro waa la inooga horeeyay waxaas oo dhan....sida la inooga balaadhanyahay And I qoute The civil war that erupted in Mogadishu in late December 1990 and the subsequent fall of Siad Barre's regime can thus be seen as a victory for Ethiopian diplomacy. But what would happen next? The last report from Ethiopia's Ambassador to Somalia, Dr Asmamaw Qelemu, depicted three grim possibilities for the future of the Republic: the intensification of the civil war because it would be difficult to create a united front among these units; the disintegration of Somalia into three distinct governments: Somaliland (Isaaq clan), Mogadishu and its environs (Hawiye), and South Somalia (SPF, Ogaden); or the creation of a new federal arrangement consisting of these regions. Whichever of these outcomes materialized, Asmamaw Qelemu claimed that Ethiopia had successfully attained its policy of destabilizing and weakening Somalia. The remaining task was to realize the coming to power of an entirely pro-Ethiopian Government. In the final analysis, for Asmamaw Qelemu, “…“… ዋና ውጉ ዳይ ከእ ንግ ዲህ አስ ጊሶ ማሊ ያአ ትኖ ርም”” [the important thing is that Somalia is dangerous no more].52 Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted May 21, 2016 Atoor wuu yaqaane bakaylahaa ka hoos galay. Wadinigu dadkiisa waa u turaa isagoo han qaran leh, qabiiliguna ina adeerkiis waa u tanaasulaa asagoo madluusan, labadaa wixii kasoo hara waa taariik habro toob aragtidayda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted May 21, 2016 Gooni, walaahi qalbigayga ayaad akhriday. Markaan qoray qormadan habeenkii subaxdii dambe ayaan waxaan idhi. Waar atoorku sagaarada lab ayuu ahaa ee xaguu kaa maray. Waxa laga yaabaa hadii luuqada aad isticmaali weydo in ereyo iyo magacyo badani ku hoos maraan. Coofle, waa runtaa . Soomaalidu wakhtigan dagaal in ay deriska la gasho diyaar umma aha. Xataa hadii ay soo laabato Jamuuriyadu Soomaalidu 30 sano oo nabad ah oo dib u dhis iyo horumar ah ayey u baahan tahay. Dhinaca kale waa runtaa maadaama ay dal inaga haystaan wey walwalayaan in aan qaantii aanu ku la lahayn weydiino ayey ka cabsanayaan. Arrimahani Ethiopia ku xalan mayso ama guul ka gaadhi mayso Soomaalida oo la isku soofeeyo oo laka qaybiyo. Ma dhici karto in aan ogolaado saxxiibtinimo been ah. 20 sanadood ayay wadanka hub iyo shido ku soo gurayeen, dagaal ooge, hogaamiye qabiil iyo degaano abuurayeen si ay noo kala fogeeyaan. Markii uu dhamaaday dagaalkii 1977, haba yaraatee wax xabad joojin rasmi ahi ma dhicin. Israatiijiyada ay isticmaaleena waxa weeye wajigii dagaalka ayey bedeleen. Waxay yidhaahdeen , " Soomaalidu saw dhul inagama rabto oo duulaan inaguma ah?, waa in aynu dagaalka gudaha Soomaalia ku celinaa. Guusha u weyn ee ay gaadheeni waa taa. Inagii ayey ina soo hubeeyeen, Hadii Allah yidhaahdana anaguna dib ayaanu ugu celenaynaa gudohooda haddii ay joojin waayaan dhibka. Haddaba Ethiopiada maanta jirtaa ma sii jiri karto illaa isbedel dhinaca siyaasada iyo taariikhda ah laga sameeyo. Boqortooyinkii aduunyada ka jiray dhamaantood way dumaeen , waxa ka soo hadhay waxa reer galbeedku ugu yeedho " constitutional monarchy. " Cidina ma yeelayso in boqortooyo nidaam kaligii taliye isu bedesho. Saddex midkood ayaan kala dooransiin lahaa , waa mida koobaade, Sida dawladii Yugoslavia ay u noqotay shan wadan (Serbia, Bosnia, Croatia , montenegro iyo Slovenia) waa in ay Ethiopia ukala furfurantaa oo ay u noqotaa ( Somali galbeed, Oromia, Denaakil , Tigree, Ahmara, Sidaamo iyo Gambeela) .Tan labaad, Hadii taa la waayo waa in ay noqotaa " prular , multicultural democracy " oo doorashooyin xalaala lagu kala baxo, Tigreeguna waa in uu awooda lumiyaa. Hadii labaad midna dhici weydo waxa xiga waa burbur. Sidan hadda wax yihiin cidina ma yeelayso. Iyagaa laga rabaa in ay kala doortaan oo kiniiinkaa qadhaadh liqaan. Aan ku daree , Soomaalidu ma ogolaanayso waxan ay kawadaan Kililka shanaad , siibaa coolaadaha iyo hubka la iskugu dhiibayo killika iyo gobolada kulaalaya. Waxa la yidhi geed walba in gubtaa hoos taal. Waataan ku lahaa: Hadii nabad la waayana dhankastaba ha noqotee Nacas igama libin helo. Gebagabedii sidaad sheegtay weeye hawshu. Diblomaasiyad ayaa la rabaa. Taasina ma dhacayso ilaa helo dad aragti leh oo garanaya taariikhda degaanka. Ragan Damjadiid ee ku soo barbaaray mashaariic iyo beeso raadi, dhawr dumarana guursao, ingama saarayaan dhibta. Quote Share this post Link to post Share on other sites