Sign in to follow this  
Mooge

Mass death for the terrorist moryans who invaded our villages

Recommended Posts

Mooge   

Deg Deg: 3-askari oo Dhaawacii PL iyo 5-Al-shabaab ah oo Galkacyo lakeenay iyo Howlgalkii oo lasoo afmeeray

 

Howlgalkii ciidamada Puntland ay Galabtay duhuradii abaartii 02:10 ka bilaabeen deegaanka Godobjiraan oo isla galabtay 04:40 lasoo afjaray. Ciidamada sooma jeestayaasha ay shacabka Puntland ku hurdaan ayaa sadex dhinac ka fadhiyay kooxaha Al-Shabaab ee ku jiray Godadka shinnida lagasoo gurto ee oogta lugshido oo 15-KM u jirta Godobjiiraan oo kaabiga ku heysa Gobolka Mudug.

 

Deegaankaan oo ah godad gaa gaaban oo dadka Gobolka Mudug ay Shinada kasoo gurtaan, ayaa tan iyo markii ay ku godoomeen kooxda Qar-iska xoorka ee argagixisada dab iyo Qaac ku shideen si ay isaga baneeyaan Shinada Godadka dagan. ayagoo Gabaad ka dhigatay Godadkii Gaa gaabnaa.

 

Duhuradii maanta ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada kala duean ee Puntland oo ay hor kacayeen Sarakiisha lagu magacaabo Ina-Afguduud, Afdalaw iyo Aadan Cabdi Xaashi oo ka yimid dhinaca gobolka Mudug ay labo Jiho ka weerareen, Howlgalkaasi ayaa dharbaaxo aad u baaxad weyn loogu geystay kooxihii soo weeraray Puntland.

 

Sarkaal Magaciisa ka gaabsaday oo goobta la isku fara saray ku sugnaa ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka galabatay uu ah mid aad u naxariis daran oo caro iyo dulqaad la’aan ka muuqatay ciidamada Puntland, kuwaas hubka nocyadiisa kala duwan ku cadaabay kooxihii banka Qiyaamo ku hornaa, maadaama qoraxdu ay aad u kululeeyd.

 

Caawa fiidkii ayaa Gaalkacyo lasoo gaarsiiyay dhawcyo ka koobaan 3-Askari oo ciidamada Puntland ah iyo 5 Al-Shabaab ah iyo 10-Maxbuus oo lagusoo qabtay dagaalkii Galabtay.

 

Sidoo kalena waxaa la sheegayaa in Howlgaldii shalay iyo maanta lagu dilay 3-Sarkaal oo ka tirsan Ragii hogaaminayay kooxaha kusoo duulay Puntland oo dhalasho ahaan u kasoo jeeda deegaanada Puntland, hase yeeshee mudo dheer dhuumaaleysanyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this