Sign in to follow this  
Mooge

The war has started. Puntland kills 11 alshababs

Recommended Posts

Mooge   

Garowe-(P-today)-deegaanka Suuj oo ka tirsan tuulada Garmaal oo hoostagta degmada Den gorayo ee gobolka Nugaal, waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Difaaca Puntland iyo Alshabaab waxayna wararku uu helayo Puntland Today sheegayaan in 11 Ruux laga dilay kooxda Alshabaab.

 

Wali waxaa socda dagaalka,ciidamada Puntland ayey dadku deegaanku sheegayaan inay ku gacan sareeyaan dagaalku,waxayna tilmaameen haddii dagaalku sii socdo ay ku adkaanayso kooxda Shabaabka ah inay dagaalamaan.

 

Goobta uu dagaalku ka socda waxaa ka jaran Isgaarsiinta waxaana adag in lala socda xaalada dagaalka. Wasiirka warfaainta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa goor dhow la hadli doona warbaahinta, wuxuuna ka warbixin doona dagaalka Suuj iyo Khasaaraha ka dhashay.

 

Puntland Today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

111.jpg

 

Garowe(Puntland Today) Wararka naga soo gaaraya bariga Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in saaka ciidan aad u hubaysan ay dagaal ku qaadeen dagaallamayaashii shalay la wareegay gacan ku haynta deegaan xeebeedka Garmaal oo ka tirsan degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal.

 

Kooxdan hubaysan ayaa saaka dib uga gurtay deegaanka Garmaal, waxayna gaareen deegaan la yiraahdo SUUJ oo 20-KM waqooyi bari kaga beegaan tuulada Garmaal, waxaana halkaasi sida xogta lagu helayo ka socda dagaal labada dhinaca u dhaxeeya.

 

Wararka waxay intaasi ku darayaan dagaalka inay ku gacan sarayso dowladda, maadama xalay saqdii dhexe ay halkaasi gaareen ciidan hubaysan iyo gaadiid dagaal.

 

Docda kale ciidamada ku sugan degmada Godob-jiiraan ayaa saaka howlgal ka bilaabaan halkaasi, warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya kooxda hubaysan ee deegaankaasi u jirta 40-ka KM ay qorshaynayaan inay isi soo dhiibaan, waxayna u badan yihiin dhalinyaro aan gaarin da’da 30-ka.

 

Ma jirto war kasoo baxay saraakiisha hoggaaminaya dagaalka ka socda duleedka tuulada Garmaal, shacabka ku nool deeganadaasi ayaa sheegaya inay kooxda cabsi ku abuurtay.

 

Wixii kusoo kordha kala soco www.Puntlandtoday.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Garowe-(P-today)- Faah faahinta aan ka helay deegaanka Suuj oo dagaal xooggan uu saaka ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo ALshabaab ayaa sheegay in wali uu dagaalku socdo si rasmi ahna aan loo ogaan karin khasaaraha.

 

Jaamac Dacar oo kusugan Kabaal ayaa sheegay inay maqlayaan rasaasta ka dhacaysa dagaalka ka socda deegaanka Suuj, oo qiyaasii u jirta 20-KM deegaanka Garmaal, wuxuu sheegay in xaaladu adag tahay, dadkii daganaa tuulada Suuj ayuu sheegay inay ka qaxeen deegaanka,wuxuse xusay inay hadda dagan yihiin dadka xoolaha dhaqatada ah.

 

Deegaanka Suuja waxaa jaran Isgaarsiinta, waxaana ka socda dagaal, sida dadka deegaanku noo sheegeen waxaa ku gacan sareeyaan ciidamada difaaca Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

(Faah faahin+Dhageyso):- Wasiirka warfaafinta Puntland“Hubka aan ku garaacnay maaha mid ay awoodi kareen, khasaare xoog leh ayaa gaaray, dagaalkuna weli ma dhammaan”.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xassan Soocadde oo shir Jaraa’id Garoowe ku qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalkii Ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka argagixisada ku dhexmaray deegaano Nugaal ka tirsan, waxaana uu sheegay in halkaas maleeshiyaadku ay jab xoog leh kala kulmeen walina lagu raad joogo firxadkoodii.

Waxaa uu sheegay dagaalka oo weli socda hadana Ciidamada difaaca dowladda Puntland inay ku hareeraysan yihiin guud ahaan meelaha ay joogaan, islamarkaasina ay u firxadeen dhulka baadiyaha ah.

Dhinaca Gobolka Mudug gaar ahaan agagaarka deegaanka Garacad ayuu sheegay in maleeshiyaadku ay isku aruursadeen dowladduna ay ka warqabta halkaasna dagaal lagu qaadi doono.

Wasiirku waxaa uu si cad u sheegay in Ciidamada dowladda Puntland ay soo afjari doonaan maleeshiyaadkaan.

Isagoo la hadlay cid walba oo soo abaabushay duulaankaan ayuu yiri“Wiilal yar yar oo caato ah oo daallan oo qoryaha jiidaya ma ahan kuwo Puntland idiinka fulin kara ujeedada aad la lee dihiin”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

WAR DEG DEG AH:- Ciidanka Puntland oo Duqayn la beegsaday Halkii Kooxda Argagixisada ah ku aruureen ee Deegaanka Suuj.

Wararkii ugu dambeeyay Warsidaha PuntlandOne.com kasoo gaaraya deegaan xeebeedka Suuj ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Ciidmada difaaca Puntland ay duqaymo ku gaaraaceen dhul buuralay ah oo ay dhuumaalaysanayaan firxadka iyo haraaga maleeshiyaadka maanta dharxaada kala kulmay Ciidamada Puntland.

Saraakiil kala duwan oo Xafiiska Gaalkacyo ee PuntlandOne.com la xariiray ayaa noo sheegay in Duqayn dhanka Bada ah iyo beriga lala beegsaday buur ay ku jireen kooxda Alshabaab ee duulaanka kusoo qaaday Puntland.

Ciidanka ayaa hadda Waardiye adag ka haya buurta la duqeeyay, waxaana la sheegay inay baaruudda ku sumoobeen maleeshiyaadka la duqeeyay ee buuraha ku jira.

Docda kale Wararka ayaa tibaaxaya in Maxaabiis ka tirsan Argagixisa lagu qabtay dagaalkii dhacay , waxaana sidoo kale jira khasaare xoogan oo soo gaaray maleeshiyaadka kaas oo wali Dawladda Puntland aysan soo saarin tirakoobka rasmiga ah.

Ciidanka ayaa dhanka kale la filayaa in hawlgal ay ka bilaabaan deegaanka Ilfoocshe oo gobolka mudug ka tirsan islamarkaasina ay joogaan maleeshiyaadkii Garacad kasoo dagay, kuwaas oo ciidamadu uga hareeraysan yihiin dhinacyada Garacad iyo Kulub.

Ugu dambayntii Sarkaal ka tirsan kuwa Dawladda Puntland ee ku sugan Garacad ayaa inoo xaqiijiyay in Hawlgalkaan uu soo gabogaboobayo saacadaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this