Sign in to follow this  
Haatu

Saaxiibtey iyo musalsal

Recommended Posts

Haatu   

Ugu horrayn salaan sare reer SOL. Kulanti wacan oo wanaagsan mudda dheer ka dib.

 

Recently a friend of mine started watching Korean dramas (they're apparently very popular). She complained of the mixed emotions she had encountered from the dramas and the love-hate relationship she now has with them. The following piece was created with this in mind. The idea is hers, the execution is mine.

 

For asterisked words, see bottom for definition.

 

~~Akhris wacan~~

 

Maalmahan waxaan billaabbey in aan daawado musalsallo Kuuriyaan ah. Markii aan billaabbayey, dan iyo dareen gaar ah kama aanan laheyn. Hase yeeshee, ma aanan filaynin hiyikaca* aan kala kulmey. Alla maxaan jiif la ladi waayey uurkutaallada* aan ka dhaxley musalsalladaas baas!

 

Aadanaha* inta uu noolyahey, wuxuu maraa heerar kala duwan. Wuxuu dhashaa asaga oo qaawan oo aan waxba garaneynin. Gabankii* dhashey waa ka dib waa la daadihiyaa* oo socodbarad ayuu noqdaa. Wax yar ka dibna hadal ayuu billaabbaa, kuraynimadiina* way u sii xigtaa. Dhawr gu'* ka dibna wuu qaangaaraa* oo gaashaanqaad* talo rag la wadaaga ayuu noqdaa, dareen guurna wuu galaa. Guurkiina waxaa u sii xigtaa aabbanimo. Mudda ka dibna wuu hawlgabaa* oo gurjoogtii* ayuu mar labaad ku biiraa, malagiisana* wuu sugaa. Dabadeedna wuu geeriyoodaa oo Eebbihii* unkey* ayuu ku laabtaa.

 

Heer walboo ka mid ah meertaha nolosha aadanaha (human life cycle), waxaa marnaba la waynaynin dareemo si gaar ah qofka u saameeya. Dareemaha waxaa ka mid ah raynrayn, murugo, walbahaar*, yididiillo*, caloolxumo IWM. Dhammaantood waxay aadanaha ku ridaan hiyikac oo laabtiisa* ayay degganaansho u diidaan. Dareemaha qaarkood aadanah wuu soo dhaweeyaa, helistooduna dadaal dheeraad ah ayuu ku bixiyaa. Qaar kalana cagajiidasho* iyo gafuurtaag* ayuu ku sooryeeyaa*.

 

Musalsallada aan waayahan dambe billaabbey marmar waxay igu ridaan rayrayn oo way iga farxiyaan, marmarna intey laabta i gooyaan ayay murugo god dheer la moodo igu ridaan.

 

Marmar waxaan ku tashadaa in aan iska daayo, oo wakhtigayga wax faa'ido leh aan ku bixiyo. Mararka kalana waxaan is arkaa anoo hiraab* joogo oo habeen dhan ku dhafrey*.

 

Ani iyo musalsal baa is haysannaa oo, wacdarana* dhigney. Dhawr jeer u sheegey in aan ka yohoomayo* oo mar dambe aanan is arki doonin. Dhawr jeera "qaybta* xigta oo keliya!" igu sasabiyey!

 

Tixgelin,

 

Haatu iyo saaxiibtiis.

 

 

*hiyikac: restlessness of the heart

*uurkutaallo: uurxumo, bad feelings etc.

*aadane: mankind

*gaban: male baby

*daadihin: helping a child learn to walk by holding their hands and saying "daa dah!"

*kuraynimo: the pre-pubescent stage of male children (loosely equivalent to male teenager).

*gu': year

*qaangaar: to reach puberty

*gaashaanqaad: a male who has reached puberty and can take up arms

*hawlgab: loosely retirement

*gurijoog: those who spend their day at home (the young, elderly and housewives).

*malag: death

*Eebbe: God

*Unkey: created

*walbahaar: excessive thinking, depression

*yididiillo: anticipation

*laab: qalbi

*cagajiidasho: reluctance

*gafuurtaag: sulking

*sooryayn: to welcome

*hiraab: last part of night just before dawn

*dhafar: to spend the whole night doing something

*wacdaro: something amazing

*yohoon: to leave a place with the intention to never return

*qayb: episode

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

haatu, one of my favorite sujuu is back a changed man who can actually write somali now. walahi waa yaab niyoow. lol

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

<cite>
said:</cite>

Come on! That can't be your Somali. I've observed your posts in the forums in the past and you were not nearly as good.

 

Quite a transformation eh? You'll be surprised what spending some time with nomads can do.

 

<cite>
said:</cite>

haatu, one of my favorite sujuu is back a changed man who can actually write somali now. walahi waa yaab niyoow. lol

 

Ninyahow, long time. Maxaa isku dhacaya? Still on Culusow's case?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

<cite>
said:</cite>

haatu, one of my favorite sujuu is back a changed man who can actually write somali now. walahi waa yaab niyoow. lol

 

Alfow, Soomaalida waxay dhahdaa "Lillaahi iyo laqdabo meel ma wada galaan". At times si heer sare ah baad ii salaami, and at other times you don't even bother reply to my messages! Ninyow sey wax u jiraan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Alfow, Soomaalida waxay dhahdaa "Lillaahi iyo laqdabo meel ma wada galaan". At times si heer sare ah baad ii salaami, and at other times you don't even bother reply to my messages! Ninyow sey wax u jiraan?
:D

 

im sorry i've been brazen recently. i've been busy. nice to see you're well. hope all is well xagaga, abti. i shall send you the occasional private email to make up for my alleged neglect of 'saxibnimo'.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

<cite>
said:</cite>

I am not really sure if this Somali is written by our old sujuu but anyway gacmo furan kusoo dhawaw.

 

You guys are just hating coz your stereotypes of sujuus are not holding up to scrutiny :P

 

Alfa, I hear you're back in the back apple. How was life in I.d.o.r land? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatuuuuu.. one of my favorite nomads, great seeing you again! :D

 

Tell us about your adventures and how you are doing. Are you a writer now?

 

I'm impressed about your Somali well done keep it up.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Bud baa layla dhacayaa!

 

Beri baa islaan reer UK ah dhabar xanuun ku dhacey. Islaantii markii ay dhawr beri xanuun la joogi waysey ayay go'aansatey in ay dhaktarka u tagto, waxayna kaxeysatey gabadheeda si ay u turjunto. Islaantii waxay tiri "Hooyoy, dhakhtarka waxaad ku dhahdaa, habeen walba kolkaan dhinac dhulka dhigo, giirka* ilaa barida bud* baa layla dhacaa!". Gabadhii oo af Soomaaliga uu ku adag yahey, hadalka sidii ay hooyadeed u tiri bay u turjuntey oo waxay tiri "Hooyodey habeen walba bud baa dhabarka lagaga garaacaa".

 

Dhakhtarkii caddaanka ahaa intuu amakaaggey* ayuu weydiiyey "Hooyadaa waxaad weydiisaa, habeenkii imisaa jeer baa budka lagu dhuftaa". Hooyadii waxay ugu warcelisey "Hooyoy habeenkii oo dhan baa layla dhacaa". Gabadhiina isla sidii bay turjuntey.

 

Dhakhtarkii intuu naxey ayuu inanta ku yiri "Hooyadaa waxaad weydiisaa, habeen walba ya garaacaa?". Hooyadii waxay ugu warcelisey "Hooyoy ma garanaayi. Waa un layla dhacaa habeen walba intuu waaga ka baryaaya". Gabadhii sidii oo kale bey hadalka u gudbisey.

 

Dhakhtarkii miskiinka ahaa intuu sasey ayuu warbixin degdeg ah booliiska u gudbiyey, asagoo leeyahey "islaanta habeen walba waa la abuse gareeyaa ee ka gaara intaysan nafta ka go'in". :D :D

 

*giir: nape of neck

*bud: also known as garruun. It's essentially a club like that a caveman would use

*amakaag: extreme shock

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

<cite>
said:</cite>

Haatuuuuu.. one of my favorite nomads, great seeing you again!
:D

 

Tell us about your adventures and how you are doing. Are you a writer now?

 

I'm impressed about your Somali well done keep it up.

 

Hey Blue. Nice seeing you as well.

 

Unfortunately no, I'm not a writer. Just showing off my newly learnt Somali :D

 

I've had a fair few adventures the past few years in the bush and experienced many new things. I might write about a few of them. If I do, I'll post them here so stay tuned!

Share this post


Link to post
Share on other sites

You were in baadiyo?! Holy moly makes me wonder how you ended up there. I look forward to your stories.

 

Lool, the girl was totally lost in translation. Relatable to many ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this