Sign in to follow this  
Saalax

Huge scandal:Ministers of Senile Silanyo are giving out citizenships to Oromos

Recommended Posts

Saalax   

Wasiir Waran-Cade Oo Amar Ku Bixiyey In Laba Nin Oo Ethiopian Ah Oo Gurigiisa Shaqaale Ka Ah Degdeg Loo Siiyo Passport-Ka Somaliland

 

 

 

 

Arrintan Ayaa Hore U Galaafatay Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Uu Eryey Wasiirka Daakhiliga

 

 

 

Hargeysa(Ramaas) Jan12, 2016 - Sida ay Haatuf u xaqiiyeen dad xogogaal ahi Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa ku dhaqaaqay hab-dhaqan ku cusub Somaliland, kaas oo laba nin oo gurigiisa shaqaale ka ah dhalashadoodu tahay Ethiopian u fududeeyey inay helaan Passport-ka Somaliland oo ay u qaateen sifo sharciga baalmarsan.

 

 

 

Sida ay xogahani Haatuf tibaaxeen talaabadan oo dhabar-jab wayn ku ah qaranimada Somaliland ayaa ka mid ah arrimaha xumeeyey wakhtigan xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo wakhtigan maraya meel xasaasi ah isla markaana gaadhay ilaa heer uu xafiiska dawladda Ethiopia ku lahayd Hargeysa inuu joojiyo gabi ahaanba fiisayaashii dalkaasi lagu galayey.

Dawladda Ethiopia ayaa sida la sheegay saluugtay qaab loo bixiyo baasaboorka Somaliland oo cid walba ay si fudud u qaadato, taas oo sababtay inay xukuumadda Adis-ababa adkayso fiisayaasha dalkeeda lagu galo markii hore si fudud loo siin jiray muwaadiniinta Somaliland ee danaha kala duwan u tagi jiray wadankaas oo ah marrinka ay bulshadda Somaliland u marto dunidda.

Sidoo kale ficilka uu wakhtigan ku dhaqaaqay Wasiirka Daakhiliga Mr Warancade ayaa noqonaya mid shaki badan ku abuuraya dalalka Somaliland xidhiidhka la leh oo dhan, kaas oo ka dhigay wadan aanay beesha caalamku aqoonsanayn oo cid walba baasaboorkiisa iyo jinsiyadiisaba iska qaadankarto.

 

 

Dhinaca kale labadan qof ee uu sifada sharci darada ah u siiyey Wasiir Warancade baasaboorka dalkan ayaa ka mid ah arrimihii uu xilkiisa ku waayey taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland (Immigration) Mr Sablaale, kaas oo amarka wasiirka daakhiliga ku bixiyey in labadaas nin ee Ethiopian-ka ah lagu siinayey baasaboorka Somaliland oo uu sarkaalkaas la eryey uu si cad uga horyimid, taas badalkeediina uu Mr Warancade ka cadhooday oo uu xilkii kaga qaaday halkaasi.

 

Si aanu arrimahan fadeexad ah wax uga waydiino madaxda wasaaradda daakhiliga gaar ahaan Wasiirka ayaanay noo suurta-galin inaanu khadka telefoonka ku helno ka dib markii ay ka qaban-waayeen telefoonadooda gacanta.

 

 

 

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wasiir-Waran-Cade-Oo-Amar-Ku-Bixiyey-In-Laba-Nin-Oo-Ethiopian-Ah-Oo-Gurigiisa-Shaqaale-Ka-Ah-Degdeg-Loo-Siiyo-Passport-Ka-Somaliland.html#sthash.beoiSWR6.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

<cite>
said:</cite>

whole entire hargeisa has become oromo looking. they are everywhere.

 

 

They are everywhere not just Hargeisa. A Oromo cannibal ate a young girl near

Burco few days ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this