Saalax Posted November 19, 2015 Cali Khaliif iyo Siciid Qorsheel Oo Damacsan Inay Xasarad Ku Fidiyaan Degaannada Sanaag Ee Nabdoon Hargeysa(Ramaas)November-19-2015-Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ee hoggaamiyaha kooxda Khaatumo ee hubaysan ayaa la filayaa inuu gaadho magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, isagoo ku sugan hadda magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Cali Khaliif ayaa halkaas ku qabanaya shir dhawr maalmood soconaya oo uu ku doonayo inuu qoriga dabka leh ee uu la wareego ku gaadhsiiyo gobalka Sanaag. Cali Khaliif oo ay qorshahan ku wada socdaan nin lagu magacaabo Siciid Qoorsheel oo hore wasiir uga soo noqday dawladda Somaliya dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Sanaag, gaar ahaan bariga Sanaag, waxaanay labadan siyaasi doonayaan inay halkaas ku shiriyaan madaxdhaqameed iyo dadweyne kale oo doonaya inay ku dhawaaqaan in koox qurbaha ka jirta oo lagu magacaabo Maakhir ay ku biirtay kooxda kale ee Khaatumo. Shirkan oo furmi doona 25 bishan November ayaa waxay ku samayn doonaan wax ay ugu yeedhaan maamul ka kooban Sool, Buuhoodle iyo Sanaag taas oo ah inuu Cali doonayo inuu deegaanada nabdoon ee Sanaag bari gaadhsiiyo xasarada uu la dhex joogo deegaanada Buuhoodle. Source-Geeska Africa - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Cali-Khaliif-iyo-Siciid-Qorsheel-Oo-Damacsan-Inay-Xasarad-Ku-Fidiyaan-Degaannada-Sanaag-Ee-Nabdoon.html#sthash.PxHiq4pD.dpuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
ElPunto Posted November 19, 2015 This guy is a piece of sh*t danayste. It's amazing that after some 30 years running around in Somali politics and his abysmal record - that there are folks clapping for this idiot. Somalis are amazing. Quote Share this post Link to post Share on other sites