Mooge Posted October 26, 2015 Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhismaha Garoonka diyaaradaha Garowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa sheegay in dhismaha Garoonka diyaaradaha Garowe uu bilaaban doono bisha soo socota,xilli Dawladda Puntland ay ku hawlan tahay hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha. ‘’Dhismaha Garoonka Garowe wuxuu bilaabanayaa bisha Novembar waxaan rajaynayaa inuu dhamaado bisha October ee sanadka soo socda’’Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Hadalkan ayaa Madaxweynuhu uu ka sheegay xilli uu la hadlayay Golaha Wakiiladda Puntland,oo Kalfadhigooda 36-aad uu uga socdo magaalada Garowe maalintii labaad. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhismaha Garoonku uu wax wayn ka badali doono Muuqaalka Caasimada Dawladda Puntland. ‘’Garoonkaan wuxuu noo leeyahay muhiimad wayn taasi oo ah inuu wax wayn ka badali doono Wajiga Caasimada Puntland,dal iyo dad walba waxaa lagu qiimeeyaa Muuqaalka meesha aad kaso dagtid,Caasimada Puntland qurux ma yeelanayso haddii Muraayada laga soo galayo ay fool xumaato’’Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata. Garoonka Garowe wuxuu qayb ka yahay Garoomada Caalamiga ah ee Puntland ay yeelan doonto sanadka soo socda,xilli dhismaha Garoonka Boosaaso laso afmeerayo bilaha soo socda. www.puntlandi.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted October 26, 2015 guul iyo gobanimo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted October 27, 2015 <cite> @Mooge said:</cite> guul iyo gobanimo. guun iyo gaasho. as this deeqbixiyasha funds could be better spent on healthcare and education. why does Garowe need an airport anyways? Mooge, please justify this? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted October 29, 2015 Alpha, have you ever been to Garoowe niyoow? pay a visit and see how nice that city is. everything is great including weather niyoow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted October 30, 2015 Garowe has the worst and ugliest airport i have ever witnessed. Why is it even called an "airport"? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted October 30, 2015 That is airstrip. Quote Share this post Link to post Share on other sites