Saalax Posted August 4, 2015 Midowga Yurub Oo Xidhaya Xafiiskooda Hargeysa, Qodobka Ay Cuskadeen Iyo Saamaynta Uu Xidhitaankiisu Ku Yeelanayo Sumcadda Somaliland – August 4, 2015 Hargaysa:(OWN)-Midowga Yurub ayaa go’aamiyay in la xidho xafiiskii ay ku lahaayeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala oo ku dhow dhow dawladda Somaliland. Ilahan xogogaalka ahi waxay xaqiijiyeen in Midowga Yurub go’aamiyay in la xidho xafiiskooda Hargeysa, waxaanay ilahani Geeska Afrika u sheegeen in go’aanku toddobaadkan soo baxay. Midowga Yurub waxay fasaxayaan gurigii ay ku jireen iyo dhammaan shaqaalihii kala duwanaa ee xaruntooda Hargeysa marka laga reebo hal qof oo darawal ah iyo hal qof oo qaban doona waxyaabaha deg dega ah ee soo kordha. Warku wuxuu sheegay in Midowga Yurub xidhitaanka xafiiskooda Hargeysa ay ku saleeyeen hal qodob oo ah dhaqaale yaraan soo waajahday xafiisyada kala duwan ee Midowga Yurub kaas oo ay sheegeen inuu sabab u noqday in xafiiskan la xidho. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland, laakiin xukuumadu si rasmi ah ayay u haysaa warkan, waxaana la sheegayaa in si toos ah loogu soo wargeliyay go’aanka Midowga Yurub oo si rasmi ah u dhaqan geli doona laba bilood ka dib. http://oodweynemedia.com/2015/08/04/midowga-yurub-oo-xidhaya-xafiiskooda-hargeysa-qodobka-ay-cuskadeen-iyo-saamaynta-uu-xidhitaankiisu-ku-yeelanayo-sumcadda-somaliland/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Odey Posted August 4, 2015 this is significant. The story of lack of money is just an excuse, but their action is one that speaks volume.The Americans cut off their funds a while back and if this is a step in that direction, then it spells trouble. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted August 4, 2015 Of course. Uncle Sam is not happy neither are the EU. More sanctions against the Gov of Silanyo will follow. Quote Share this post Link to post Share on other sites