Saalax Posted July 9, 2015 9th July, 2015 War Deg Deg Ah: Dalka Sucuudiga oo madaxweyne Siilaanyo ………….. Hargeysa,(Qaran-news)- Dawlada Sucuudiga ayaa gabi ahaanba diiday in madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu socdaal Cimrada ah uu ku tago ama galo dalka Sucuudiga, arintani cimrada jujuubka ah ee madaxweyne Siilaanyo la doonaayay in lagu galiyo dalka Sucuudiga oo laga lahaa dano gaar ah oo dhaqaale lagaga raadsanaayo dalkaasi ayaa gabi ahaanba isu rogtay mid murugo leh, kadib markii safaarada dalka Sucuudigu uu ku leeyahay dalka Jabuuti ay diiday in madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ku dhow dhow oo ay ka mid ahaayeen wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka arimaha gudaha dhamaantood loo diiday in ay dalka Sucuudiga ku galaan fiisada Cimrada. Arimaha safarka madaxweynaha waxa horkacaayay oo qaban qaabadeeda watay oo uu wasiir Xirsi u xil saaray nin sheegta in uu yahay wakiilka Sucuudiga u jooga Somaliland oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan madaxweynaha, ninkani oo lagu magcaabo ama la yidhaa C/raxmaan Kuwaiti waxa uu si toos ah ugu fashilmay in uu dalkaasi casuumad rasmi ah iyo mid cimro toona ka keeno. Lama granaayo sababta xiligani loogu diiday madaxweyne Siilaanyo galista dalka Sucuudiga, hase ahaatee dad u dhuun daloola arimaha Sucuudiga ayaa sheegaaya in dowlada Sucuudigu la dhacsanyn maamulka Axmed Siilaanyo, oo ay u aragto uun mid aduun raadis ah isla markaasina ku fashilmay hagista dalkiisa. Guulahii iyo siyaasadii is afgaradka ahayd ee madaxweyne Siilaanyo kala kulmay dalka Imaaraadka ayaa dhiiri galisay in uu talaabo kale sii qaado taasi oo dadka qoyskiisa ah ee ku hareeraysani ay sahansadeen wado qaldan oo aan laga baaraan dagin taasi oo ay doonayeen in ay aduun ka doontaan dalka Sucuudiga, taasi oo hada gabi ahaanba fashilantay, waxna dalka ku soo laabtay oo Jabuuti ka soo anbabaxay wiilkii siday basaaboorka madaxweyne Siilaanyo oo ay la socoto warqad diidmo ah in aan loo ogolayn in uu dalkaasi ku galo Cimro. Todobaadkii ina dhaafay ayaa waxa soo baxday warqad sir ah oo laga jabsaday wasaarada arimaha dibada ee dalka Sucuudiga taasi oo sheegaysay in xukumadda Siilaanyo ay heshiis habka fadaraalka ah la gashay xukumadda Muqdisho iyo maamul goboleedyada kale oo ay ka mid tahay Puntland, arintaasi oo dareen cadho leh ka abuurtay gudaha Somaliland ayaan ilaa hada xukumadda Siilaanyo si rasmi ah uga jawaabin. Sida ay doontab ha ahaatee arinta diidamada madaxweyne Siilaanyo loo diiday in uu galo ama soo gudo cimrada ayaanay ilaa hada xukumadda Siilaanyo ka hadlin https://qarannews.com/war-deg-deg-ah-dalka-sucuudiga-oo-madaxweyne-siilaanyo/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted July 9, 2015 It is probably not true. Why would Saudi Arabia care about the democratic well being of a state like Somaliland. If the rejection is true, it may be because of the Houthis that Somaliland may have been caught red handed by the Saudis. I don't think that anything else makes sense. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted July 9, 2015 It is nothing to do with democratic well being but rather Saudi Arabia does not want to be seen as dealing with Siilaanyo as equal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
somalia4somalis Posted July 9, 2015 This is interesting. Sxb how come odayga is not giving up? He wants civilwar in North Somalia. Waa oday ku waashay xukun iyo kursi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted July 13, 2015 Guul wadayaal, wasiiro,ganacsato, iyo madax kale oo ka tirsan xukumadda Siilaanyo oo ku lu’goday Sucuudiga https://qarannews.com/guul-wadayaal-wasiiroganacsato-iyo-madax-kale-oo-ka-tirsan-xukumadda-siilaanyo-oo-ku-lugoday-sucuudiga/ Quote Share this post Link to post Share on other sites