Mooge Posted July 3, 2015 MUQDISHO(PUNTLANDONE)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay Idaacada Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ay ka socon la’ayihiin howlaha dawladda Soomaaliya laga donayay in ay fuliso sannadyadii lasoo dhaafay. Xildhibaan Xoosh ayaa si kulul uweeraray waxqabad la’aanta dawladda uu xildhibaanka ka yahay, wuxuuna sheegay in wax kasta oo qaloocday uu masuuliyadeeda leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku jiray fulinta howlaha Siyaasadeed iyo kooxeysi gaar ah oo laga dhex aburay dawladda Soomaaliya. Xildhibaanku wuxuu sheegay in ay hada qorshaynayaan baarlamaanku in ay awoodahood adeegsadaan oo ay saxan waxyaabaha qaldan ayna qaadan doonaan masuuliyadooda uga aadan in la gaaro wixii loo dhisay baarlamaanka iyo dawladda hada jirta. In la gaari waayey wixii loo dhisay dawladda Soomaaliya, in ay bixin weydo Mushaaraadka Shaqaalaha, Xildhibaanada iyo ciidamada dawladda ayuu Xoosh Jibriil shegay in ay ugu wacan tahay, maadaama dhaqaalaha soo gala Soomaaliya oo dhan uu ku dhaco gacmo gaar ah, gaar ahaana Madaxweynaha iyo kooxdiisa oo ay yihiin buu yiri kuwa dhaqaale aruursanaya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AbdiJohnson Posted July 3, 2015 The so called president of the so called "federal" republic of Somalia is a clown and an obvious corrupt African illiterate thief. We don't need Xosh, his clown clone, to tell us this. Xosh was disbarred by the Law Society of Upper Canada for welfare fraud. He's a shameless man who is just as despicable as the AMISOM protected clan militia leader masquerading as a president. They both should be behind bars. Quote Share this post Link to post Share on other sites