Sign in to follow this  
Mooge

Shaakir is elected President of Hirgal Central State

Recommended Posts

Mooge   

DHUSAMAREB(PUNTLANDONE)- Xoogaga Ahlu Suna Waljameeca ayaa kaga dhawaaqay magaalada Dhuusa-Mareeb in ay doorteen Madaxweyne hogaamin doona gobalada Galguduud, Koonfurta Mudug iyo Deegaano kamid ah gobalka Hiiraan, kaas oo ay ku sheegeen magaciisa Sheekh Maxamed Shaakir Cabdi oo horay u ahaa Gudoomiyaha golaha fulinta ee kooxdan.

 

Ergadii ka qeybgashay shirka Dhuusa-Mareeb ayaa la sheegay in ay codkooda siiyeen Sheekh Maxamed Shaakir, wuxuuna noqonayaa Sarkaalka ugu sareeya Xoogaga Ahlu Suna ee jooga gobaladaas, kuwaas oo hada ka dib udhaqmi doono sidii dawladii.

 

Madaxweynaha guuleystay ayaa la sheegay in ay tartan la galeen labo siyaasi oo ka soo jeeda magaalada Cadaado, gaar ahaana Wasiirkii Arimaha gudaha ee Ximin iyo Xeeb iyo Afhayeenka maamulkaas, kuwaas oo looga guuleystay doorashada manta dhacday.

 

Gudiga doorashada oo ku dhawaaqay Natiijada ayaa sheegay in uu maamulkan si hufan uga shaqeyn doono Koonfurta Mudug, Galguduud iyo degmooyin kamid ah gobalka Hiiraan oo ay maamusho Ahlu Suna Waljameeca.

 

Doorashadan ayaa ka hor dhacday mida lafilayo in todobaadka dambe ay ka dhacdo magaalada Cadaado oo lagu dhisi doono hogaan uu yeelan doono maamulka an sharciga Faderaalka waafaqsaneyn ee ah gobal iyo barka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this