Sign in to follow this  
Mooge

HIRGAL STATE OF SOMALIA. Coming soon. Update.

Recommended Posts

Mooge   

Kadib markii Ahlu-sunnah ay xoog kula wareneen gacan ku haynta xarunta Gobolka Galguduud ee Dhuusamareeb, ayey hadda sheegeen in ay halkaas ku qabanayaan shir lagu dhisaayo maamulka gobolada Dhexe.

 

Advertisement

 

 

 

“Horey ayaan u fidiney gogosha shirkan in lagu qabto Dhuusamareeb, waxaana ku yimid hakad, hadda iyo wixii ka danbeeya waxaan dardar gelineynaa sidii dadku u tashan lahaayeen maadaama ay gobolka ku soo bayteen kuwo doonayaa in ay gacanta u geliyaan al-Shabaab” sidaas waxaa yiri Shiikh Maxamed Shaakir Cali oo hadda ah ninka sii haya xilka guddiga fulinta ee Ahl-sunnah.

 

Ahlu-sunnah ayaa hadda ka taliya mgaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo a mid ah shanta degmo ee gobolkaasi ka kooban yahay.

 

Danka kale Shiikh Maxamed Shaakir ayaa k dhawaaqey in ayku heshiiyeen sidii Galguduud oo dhan looga sifeyn lahaa al-Shabaab.

 

Warka ka soo baxay Dhuusamareeb ayaa imaanaya iyada oo Cadaado lagu dhaariyey Xildhibaanada uu yeelanayo maamulka Gobolada dhexe ee Dowladda Federaalku gacanteeda ku dhiseyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Warar si horu dhac ah ay u haleyso Galmudugmedia.com, ayaa tilmaamaya in Maamulka Ahlu Sunnah oo ka arimayo Xiligaan dagmooyin ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud uu qorsheynaya in uu ku dhawaaqo Dowlad Gobaleed ka kooban laba gobal oo kale ah Hiraan iyo Galgaduud ah.

 

Saraakiil ka tirsan Ahlu sunnah oo aan la xiirnay ayaa u noo xaqiijiyay in Magaca Maamulkaasi uu noqon doono Hirgal, kaasi oo laga soo gaabiyay Hiiraan iyo Galgaduud.

 

Sida la soo warinaayo Dhuusamareeb, waxa xiligan ka soconayaa kulamo xasaasi ah oo leeyihiin madax ka tirsan Ahlu Sunnah iyadoo looga arinsanayo Ayaaha Gobaladaasi, waxaana arintaani ay ku soo beegmeysaa Xili A.w.j , todobaad ka hor dagaal aan dhiig ku daadan ay kula wareegtay Magaalo madaxda Gabalka Galagaduud, islamarkaasna madax kamid ah ururkaasi oo goor sii horeysay warbaahinta la hadlay ay shaaciyeen iney qaadaceen shirka Cadaado ee maamulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud iyagoo taasi badalkeeda ku baaqay in maamul u gaar ah ay ka hirgalin doonaan Bartamaha Soomaaliyo oo ay in ku dhaw 8 sano ay ka talinayeen .

 

Ahlu Sunnah wal jamaaca ayaa koox diimeed ku xoogan gobalada Dhexe ee soomaaliya lana aaminsanyahay iney taageero malatari ka hileen Itoobiya, ururkaasi ayaana Xiligan gacanta ku haya 70% Gobalka galgaduud, iyo qeybo kamid ah Gobalka Hiiraan gaar ahaan Dagmada Matabaan iyo deegaanada Ku xeeran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

300 delegates recieve constitution papers for review.

 

niyoow things are picking up for HIRGAL STATE

 

huusamareeb (Radio Gaalkacyo):- Waxaa meel wanaagsan maraya shirka Maamul u sameynta gobolada Galguduud, Hiiraan iyo Koonfurta Mudug ee ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dhexe ee Gobolka Galguduud.

 

Gudoomiye xigeenka Ahlusunnah ee gobolada dhexe Mudane cabdullaahi cabdi Maxamed cumar ayaa Radio Gaalkacyo wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay waxaa uu kaga waramay halka shirka Dhuusamareeb uu marayo, shirkaasi oo ay gogoshiisa fidisay Maamulka Ahlussunah.

 

Mudane cabdullaahi ayaa sheegay in shirka ay fadhiyaan in ka badan 300 ergo ah oo isaga kala yimid deegaanada Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo gobolada kale sida Hiiraan kuwaasi oo diyaar u ah in ay wax ka dhisaan Maamulka gobolada dhexe ee ay Ahlusunnah wado.

 

Sarkaalkani ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maanta dastuurka Maamulkaasi loo qeybiyay in ka badan 300 ergo oo shirkaasi ka qeybgalaysa, waxaana lagu rajo weyn yahay in Madaxweyne ay ergadu doortaan 1-da Bisha July.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this