Mooge Posted June 30, 2015 Cadaado(Puntlandone.com):- Maxamed Xaaji Xuseen Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu ku biiray Shirka Dhismaha Maamul loo dhan yahay ee Ahlusunnah Waljameeca ay ka furtay magaalada Dhuusamareeb ka dib markii Shirka Cadaado uu noqdo mid Hagar daamo iyo dhibaato ku haya dadka Dega Koonfurta Mudug iyo Galgaduud islamarkaasina wadadii saxda ahayd ka leexday. Ximan_iyo_Xeeb-620x330 Maxamed Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay inuu la dhacsan yahay qaabka Ahlusunnah waljameeca ay wax u waddo, isagoo sheegay in shirka Dhuusamareeb uu yahay mid lagu badbaadinayo Masiirka Ummadda Gobolada dhexe islamarkaasina looga faa’iidaysanayo inuu Koonfurta Mudug iyo Galgaduud loo dhiso Maamul lagu midaysan yahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Fadqalalo ka dhex abuurtay Maamulka Ximan iyo Xeeb ka dib markii la go’aansaday in Maamul la dhisto ayna ka mid tahay sababaha uu Dhuusamareeb u tagay oo maamulka Ahlusunnah waljameeca wadda wax uga soo dhisanayo. Dowladda Puntland ayaa horay uga hortimid shirka Cadaado ee Maamulka Galmudug loo bixiyey lagu soo dhisayo ka dib markii Shirkaasi uu ku sifoobay Dhul boob iyo Nidaam Darro sababi karta in dagaal Sokeeye uu Gobolka Mudug ka dhaco iyadoo Dowladda Puntland ay soo dhawaysay shirka loo dhan yahay ee Ahlusunnah Waljameeca Dhuusamareeb ka furtay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
somalia4somalis Posted June 30, 2015 Cadaado subclan and Dhuusomareeb subclan are embarrassing their common clan!!! What a joke. Mooge, do u understand now why i hate Somali version Federalism and will always be Centralist???? Somali Maryooleey knows zero about federalism. Quote Share this post Link to post Share on other sites