Sign in to follow this  
Saalax

Africa Intelligence:Mogadishu to wage political war on disgraced Siilaanyo

Recommended Posts

Saalax   

"The Somalian central government is taking advantage of the disgrace of Somaliland President Ahmed Mohamoud Silanyo among the West - [...] (204 words)"

 

http://www.africaintelligence.com/ION/politics-power/2015/06/12/mogadiscio-tries-to-destabilise-silanyo,108077666-ART

 

 

 

 

 

 

Madaxweynah Somaliya oo Siilaanyo ku soo qaadi doona dagaal siyaasadeed isaga oo ka faa’iidaysnaya kala fogaanshaha….

 

 

Writen by Qaran News | 10:07 am 17th Jun, 2015

 

 

 

Hargeysa(Qaran-news)-Wargeyska aadka loo akhristo ee Indian Ocean newsletter ayaa cadadkiisii u dambeeyay ee bishan soo baxay wuxuu qoray warbixin uu kaga hadlay dagaal wejiyo badan oo uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku soo qaadayo Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo.

 

Wargeyska oo soo xiganaya ilo ka tirsan golaha wasiirada Somaliya, wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu joojiyo wada hadalka ay dawladiisu kula jirto dawladda Somaliland oo muddooyinkan dambe dhutinayay, isagoo sida uu wargeysku sheegay ka faa’iidaysanaya kala fogaanshe uu sheegay inuu ku yimid Madaxweyne Siilaanyo iyo reer galbeedka ka dib muddo kordhintii ay guurtidu u samaysay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in Xasan Sheekh uu ka baaraan degayo inuu aqoonsado kooxda Khaatumo ee Somaliland diidka ah si uu u qaso siyaasadda gudaha ee Somaliland.

 

Wargeyska oo sidoo kale soo xiganaya ilo wasiiro ah oo ka tirsan dawladda Somaliya, wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye uu bishii hore ee May afarteedii kulan qarsoodi ah la yeeshay siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada Awdal, Sanaag iyo Sool. Waxa kale oo uu wargeysku sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen uu isna Somaliland ku eedeeyay inay dhibaato ku hayso kooxda Khaatumo. Talaabooyinkan ay dawladda Somaliya qaaday wuxuu wargeysku ku macneeyay inay uga dan leedahay inay meel isugu keento canaasiirta Somaliland diidka ah si ay u wiiqaan Somaliland iyo siyaasadda madaxweyne Siilaanyo.

 

Waxa kale oo uu Wargeysku sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu siyaasadahan ku waajahan Somaliland uga dan leeyahay sidii uu tallo iyo saamayn ugu yeelan lahaa heshiisyada shidaal iyo dekedda Berbera ee ay dawladda Somaliland kula jirto dawlado iyo hay’ado caalami ah.

 

Ka sakow warbixinta uu wargeyskani daabacay waxa muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu Somaliland ku hayo dagaal diblomaasiyadeed, isagoo xidhiidho cabasho ah la sameeyay wadamo dhawr ah oo Somaliland la leh xidhidho diblomaasiyadeed, kuwaas oo uu ka dalbaday inay joojiyaan macaamilka ay la leeyihiin Somaliland.

 

Geeska

 

 

 

https://qarannews.com/madaxweynah-somaliya-oo-siilaanyo-ku-soo-qaadi-doona-dagaal-siyaasadeed-isaga-oo-ka-faaiidaysnaya-kala-fogaanshaha/

Share this post


Link to post
Share on other sites

This article is all smoke and mirrors:

 

It is known that Culusow and Silanyo are close political allies, and come 2016-- you will see these two running on the same political platform.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this