Holac Posted December 11, 2017 There has been so much protest and controversy over this port project that you wonder what UAE's plan is for this port. Is it to keep other investors away or is the UAE really interested in developing this port for the benefit of the country? Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted December 11, 2017 Horumarinta dekaddu waa shay wanaagsan waana arin sax ah, waayo wax walba oo la dayactirin way halaabaan ama duugoobaan,wayna wanaagsan tahay in maal-gashi caalami ah la helo ama yimaado, dalal badan ay ku tartamaan,kii dani ku jirtana uu ku guulaysto. Mana haboona in hal dal oo kaliya albaabka usoo xirto dad lumay dalkooda. Mushkiladda heshiiskaan iyo shakiga waxaa keenay caddayn la'aanta waxa ku qoran heshiiskaan oo aysan cidna la wadaagin shacabka dalka iska leh. Dadka hogaanka sheeganay waa ku xaqiraad hadday shacabkooda iskala weynaadaan. lama hayo cid ama qof si rasmi ah u akhrisay heshiiskaan,baarlamaanka ansixiyay qudhiisana haku ahaadee,laga yaabee in lagusoo aadiyay saxiixiisa maalintii mushaarka iyo gunadaba laysugu daray oo maskaxdoodu joogin. 30'sano maxay faa'iido ka helayaan dalka maal gashaday? ayagay jirtaa Maxay reer puntland ka helayaan? ma naqaan Ma isu dhigmaan sodonkaa sano qiimaha ay ku dayactireen iyo wakhtigaa dheer? lama yaqaan Haddii cabshuurta la kordhiyo oo sicir-barrar ku yimaado dadka abaaruhu haystasn maxaa talaa? war looma hayo Imaaraadku ma is waydiiyay dalka uu maal gashaday celcelis inta soo gasha qofkiiba dakhliga maalin lahaa? danihiisa gaarkaa yaa ka muhiimsan Dr-puntland hogaamiya oo dhaqaalaha soo bartay maxaa ku kalifay inuu shacabka ka qancin waayo oo warqadda uu saxiixay miiska u saari la'yahay dadkana u sheegi waayay inuu faa'iido keenay. Dawladda dhexe maxay tahay shaqadeedu?wax maka ogtahay heshiisyadaan maamulada oo u eg dhul boobka mar haddaan wax caddayna la hayn? Yaa ka mas'uul ah khayraadka dalkoo dhan?mise dastuurkii kala caddayn lahaa wali waa qabyo? Maxay ka qabtaa shuruucda caalimigga dal aan dastuur lahayn in khayraadkiisa heshiisyo sabado dheer lagu galo? waa su'aalo aad u badan oo qof nooga jawaaba aan lahayn. Allahu mustacaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
YoniZ Posted December 11, 2017 6 hours ago, gooni said: Maxay ka qabtaa shuruucda caalimigga dal aan dastuur lahayn in khayraadkiisa heshiisyo sabado dheer lagu galo? Oday Gooni waan kuslaamay marka hore. Suaalaha Maxaa kuqoran heshiiska? Dr-Puntland ayaa laweydiin iyo Waasiir Raage. Shacabku xaq ayey u leeyihiin inay dalbadaan aragtida heshiiska. Mida aan jecleystay inaan kajwaabo waa mida dal aan dastuur laheyn heshiis mageli karaa? Jawaabtu waa haa, tusaale waxaa kuugu filan UK inayan ilaa hadda laheyn dustuur qoran, marka laga reebo sharciyada midowga Yurub oo ayba hadda laadeen. Soomaaliya dastuur way leeydahay, laga soo bilaabo kii lixdameeyada aftida looqaaday, ilaa midka Faderaaleynta ee gudiyada qaran ansixiyeen. Wolow qodobo u baahan bidhaamin ay jiraan, hadana waa dastuur jira oo shaqeeya. Suaal aan jecleystay inaan kuwaydiiyo waa: Shacab arkay ama latusay meel maku haysaa heshiisyada shirkadaha Turkiga kula wareegeen dekeda iyo Airportka Xamar? Wadanku ha dhismo, cidii xisaabtan qabta xoog ama xeeladba hadhow wax waaku maareysan doonaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted December 11, 2017 Dadka qaylinaya waxaa mooddaa inay daba socdaan arrimo siyaasad ku shuqul leh, oo sal ku leh khilaafka UAE iyo Qatar. Bosaso heshiiskeedu wax uu uga duwan yahay kan Barbara, Airport Xamar, iyo Dekedda Xamar ma jiro. Khidmada laga qaado Bosaso waa ka yartahay tan hadda laga qaado Berbera iyo Xamar. Dastuurkan lagu hoos gabbanayo xagguu jiray markii Turkish-ku Airport, Military base, Hospital, iyo Dekad dhisayay? War hormarka dalka meeshuu rabo ha ahaatee yaan la hor is taagin. Qatar hadda heshiisyo saxiiday ay dhul beereed rabto inay kula wareegto oo ay dalagyo ka beerato, marka dalkuu miyuusan abaar ku jirin? Waxaan ku durayaa hadalkan oday Gooni! Horimarka dalka ha la taageero! 1 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
anoo kale Posted December 12, 2017 ^ Oohintu orgiga ka weyn... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted December 12, 2017 Gooni waa nin macquul ah, laakiin mar mar bahasha wuu yara tuurtaa sida Oodweyne. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted December 12, 2017 yuunis Sidoo kale waa ku salamay Turkiga muqdisho waxaan ka aamisanahay shakhsiyan inay aad uga duwan tahay tan carabta. Turkigu wuxuu yimid muqdisho ayadoo nalku ka dansanyahay oo mugdi ah ma'uusan isticmaalin qallinka jeebka kore ugu jira hogaamiye daciif ah. Nalkii wuu shiday wixii xaabo ahaa oo horyaalay wuu nadiifiyay asagoo isticmaalaya jeebkiisa wixii ugasoo noqda dhaqaalihii ka baxay waa wuxuu xaq u leeyahay adba turkiga makhaayad waad ka furan kartaa adoon cidina kafiil kaa ahayn sida carabta. Markaad isku filaato waa sahal inaad kala wareegtaan Tan carabta dekadda waxaa dhisay talyani, wakhti iyo dhaqaale nalama waydiisan waana lagu liibaanay soomaaliyoo dhan Carabtu waxay maal-gashanayaan waa isla ayadii Intaan qalabkay ku dayactiri lahaayeen soo gaarin waxay kor u qaadeen canshuurtii ayagoo sheegaya inay heshiis sodon sanaa haystaan maalinkii loo qabtay inuu bilowdana la gaaray Arinta boobka u ekaatay halkaasay ka timid waana isha kaliya oo wax lagu arko Deked cusub way dhisi karaan waa wadanka afaraad oo ugu dhaqaale badan dalalka muslinka ah balse ujeedkoodu waa lugta meel ii gali inta yar ee ka baxdayna waa inaad bixisaa markay koofiyadda shirkadooda kuu xiraan sida reer berbera oo kale. Marka lasoo xooriyo warka Dr'kaan indhaha qurxoon asagaa looga fadhiyaa waxa heshiisku yahay. Waxaan anagaa leh, waxaana ayagaa leh, aakhirka fas'iidadu waa noo haraysaa,intaanu waa lafihii intaana waa wixii baxay. Reer barigu waa wada ganacsato adeer shaqo kale ma yaqaaniin waa qeexid iyo qancin kaliya si horumarku usii socdo. Cheelle waa ku salamay saxiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted December 12, 2017 Gooni waan kaa qaaday salaanta. Marka xiga, horta adduunka wax mashruuc intaa le'eg intuu dhiso gacanta kaa saaraya iyada oo ay dan kale daba socon horta ma jirto. Turkish waxa ay dhiseen free maaha, danaa daba socda. Haddana iyagaa inta mashruuc oo ay hirgasheen gacanta ku haya. Dekada Bosaso iyo jidka Bosaso-Garowe haddaanan khaldanayn waxaa lacagta baxshay Maraykan shirkada dhistay un baa Talyaani ahayd. $250 Milyan buu Maraykan ku baxshay iyada oo ay daba socotay shidaalka ay shirkad Maraykan ah ka baaraysay dhulkaa Nugaasha. Tan Emirates waxa heshiisyada galaya dowlad maaha (si dadbanba ha u lahaadeen shirkadaha) ee waa shirkado faa'iido doon ah, oo raba inay lacagta ay maalgashiga ah uu soo noqoto, anakana aan wax ka faa'iidno. Mida ah waxbaa la iibinayaa oo dalbaa la iibsanayaa waa fikir caadifad ku salaysan. Mid kale oo aan rabo inaan wax iraahdo ayaa ah, Carab siyaasad xumo ha lagu xanto, laakiin Soomaaliya intii dagaal ka dambaysay waxa iskoola ka furan iyo waxa hay'ad kaalo ah dadka ugu badan oo maalgaliyay waa Carab. Marka yaasan dhisin Airport ama jid, laakiin wax nooma qaban waxay ila tahay waa jisaar. Waxaa intaa raacsiisaa, dhaqaalaha Soomaaliya badankii waxa uu ku xiran yahay waxa aan u dhoofino duni Carab iyo inta aan ka soo dhoofsano iyaka (waliba Dubai oo aad hadda moodo inay isheenu hayso baryahan). 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dahireeto Posted December 12, 2017 When will the construction start? It doesn't look like anything significant has been done since 2015. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted December 12, 2017 I think the deal was signed this year and they still need to clear some hurdles before the construction starts. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dahireeto Posted December 14, 2017 I think the port was given out cheap. The location of Bosaso is very strategic and Puntland could have had a better deal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted December 14, 2017 This is a great project, and is a good opportunity if well managed. I hope the people work with the government, and government keeps the promise. Bosaaso has a great potential. Quote Share this post Link to post Share on other sites
YoniZ Posted December 14, 2017 https://horseedmedia.net/2017/12/14/xalkii-loo-helay-muranka-dakadda-boosaaso-iyo-mustaqbalka-maqaal/ A really different and well-thought article. I like how the writer broke the general term of Ganacsade down in to Hawker vs Investor. His encouragement in a long term investment thinking is what is really missing in that part of the country. While buying land with astronomical prices (led by speculation) is where the majority park their money. Anyone with good investment plan will find it very hard in getting investors, even from very close relatives. Quote Share this post Link to post Share on other sites