odayga inanta Posted May 28, 2015 Marka suugaan ama maanso la soo hadal qaado waxa dhagahaaga kusoo dhacaya; Abwaan hebel wuxu yidhi, Gabayaagii caynkaa ahaa wuxu yidhi iyo wax la mida. Marnaba in aad gabadh soomaaliyeed waxay tidhi aad soo qaadato aad ayay u yartahay. Maadaama aanay soomaalidu inta badan dumarka tusaale u soo qaadan, taa macnaheedu ma waxa weeyaan dumarku ma maansoodaan, mise suugaanta dumarka ayaaba ahayn mid tayo leh sida ta ragga soomaalida. Dadkii ajaanibta ahaa ee ugu horrayn gayiga soomaaliyeed soo gaadhay waxay soomaalida ku sheegeen inay yihiin dad wada gabya, uma kala saarin rag iyo dumar. Intii suugaan soomaaliyeed la ururiyay ama la qoray, waxay u badantahay wax rag ay tiriyeen. Halkaa waxa ka cad in kaalintii dumarka ee suugaanta la iska indha tiray amaba aan la siin xaqeedii. Dhaqanka soomaalida oo aad ugu ad adkaa dumarka sidii kii carabta islaamka ka hor ayaa waxan odhan karnaa inuu sobab u yahay hoo u dhigida kartida dumarka soomaalidu ay leeyihiin. Waxa la yidhi soomaalidu been way sheegtaaye been ma maahmaahdo. Dhaqanka qaybta kaliya ee dumarka xaqooda siisa waa maahmaahyaha; sidaa darteed waxay soomaalidu ku maahmaahootaa; Dumar baa rag is dhaafshay iyo kuwa badan. Haddaba dumarku dhanka suugaanta ragga kama yaraystaan, balse qaybo raggu aanay lahayn ayay iyagu leeyihiin. Bal aan is yar dul taagno godadka kala duwan ee dumarka ka maansoodaan. Godka gabayga: Gabaygu godadka maansada laga tiriyo waa ka ugu sarreeya, dumarkuna qayb libaax ayay ku leeyihiin. Waxa kamida dumarkii tiriyay; Caasha Jaamac Diiriye Silsiladdii siinlayda ee 1970 horraantiisa ayay caasha ka qayb qaadatay. Maansooyinka la is dhaafsanayay waxa laga wada tiriyay godka jiiftada, laakiin Caasha jaamac oo ahayd gabadha kaliya ee ka qayb qaadatay ayaa iyadu raggii oo dhan ka badisay oo ka tirisay godka gabayga. Gabaygeedii waxa kamid ahaa. Saddex inan rag waw simanyahee sadar kalaan baanay Midi waa saddexyaha ku yaal sadar kalaan baanay Magta inan rag waw simanyahee sadar kalaan baanay Haddiise saawa saawiyo la galo suruf colaadeeda Ooy soo rogaay iyo ceshaay siigo kor u duusho Lama simo sarbeed halgabaha iyo dib u saqleeyaha e Nimankii saxarla faalleeyay ee siinka ka hadlaayay Aniguna iskuma soorayoo kala sad weeyaane Sarise maayo boogtee waxan ku saameelay Waa wada sokeeyiyo rag aan summad wadaagnaaye Intiinaa sadkiin wuxu noqdaan idinku sooryeeyay Saddex hadal-xidhaaloo jira siinka ka higaadsha Siday tahay u soo qora ma rabo inaydun seegtaane Sahan hooyadaa nin ay dhashoo saaka kula joogaa Ood sal iyo maandhaw taqaan soorna kula quutay Sina aan walaal kuugu noqon siinka ka higaadsha Jamaad Cabdulle Xasan " sayidka walaashii". gabaygan waxay tirisay markii daraawiishtii laga adkaatay ee ay jabeen ayaa waxay magan galyo ugu galeen boqoro oromo ah. Nin boqorada kamida ayaa Jamaad isku dayay inuu guursado, markaasaa iyada oo ka qashaafaysa gabaygan tirisay. Iyadoo xuseen diqle kusoo hal-qabsanaysa ayaa waxay tidhi. Xuseenoow qof meel laga hayoo maahsan baan ahaye murugaygu raagtoo qalibigu way madawyahaye Mid yaroon ku faro iiga gee madaxda reer daadhi Muddaday shiraan iyo ka wari madasha geedkooda Axmad iyo mukhtaariyo u sheeg qoomka maxamuud leh Xasan iyo qayaash-maash abtoow dhab ugu maaweeli Malaw dhima e reer muxumadoow waad I moogtahay dheh Maxaad iigu muhateen sidii naado miis daran dheh Amran Max'ed Jaamac ayaa iyadna godka jiiftada kaga dhufatay. Waxay tidhi. Guursan maayo jeeroon Cilmi gaadho dooro Aan gu dhigo tacliinto Gayiga u adeegee Guursan maayo jeeroo Waddankaygan qaniga ah Macdan aan ka gooboon Gobol gobol warshadihiyo Laydhku ay is gaadheen Suugaanta god kasta oo ay raggu ka maansoodeen dumarkuna way ka tiriyeen iyaguna. Waxase jirta qaybo dumarka ku kooban oo ay ragga dheeryihiin, waxa kamida. Buraanburka, Sitaadka, hees-hawleedad dumarka u gaarkaha sida; kabada, aloolka, aqal dhiska, lulida haanta, caws gurida, xoolaha iyo maqasha. Waxa kale uu u gaar ah kuwa sida galbiska gabadha, kuwa tiritirsiinta bulashada, iyo waddaniyadda. Haddaan mid walba tusaal kasoo qaadano. Buraanburka. Ceebta waa laga fogaadaaye feejignow Ayaanu ciishoonin wiilkaa kusoo calmaday Ciidan wuxu kariyay cuntadiisu yaanay noqan Sitaadka: Alla mulkow maaligow murug tiroow ilaah Oo maalinta la is xisaabaayo noo xil qari Oo maalinta bacadka kulul biyo qabow nasii Heesta Kabaddan: Koronkor cuni maynoo karina maynee Karuur geel ma lahayaayee Naagta kabada laheey Kaalin daraneey Adaan kayd hore u dhaganeey Heesta Aloolka: Alla waa xujooy allah waa xujooy Geel xirada diida waa xujooy Alla waa xujooy alla waa xujooy Xero kale ka ololaa waa xujooy Heesta haanta: Haantii qabooy qoor yar Laba qaalin kula buubtay Laba qoor laguu kala jar Qooraansigay baratay Qalabkii raggay aragtay Heesta Cawska marka la gurayo: Cawskanoow sabool diidoow Waqaan suuqa lagu dhiginoon Soddon lagugu baayicinoon Sadiiq lacagta kaa bixinoon Yaa sameeyay lagu odhan Heesta Maqasha: Daylo daylooy Daylo wacaneey Xasan waa kane Yuu xanaaqine Yuu ku xawdine Xasil oo daaq Heesta hadhuudh tumidda: Qamareey qorqode waa qayliyaa Naa muxuu yidhaa? Wuu qayliyaa oo qalax tama Naa muxuu yidhaa? Naa rida qal oo qari buu yidhaa Naa muxuu yidhaa? Naa qiiqu yuu bixin buu yidhaa Naa muxuu yidhaa? ……………………….. Mooyaha magacii, Ciil-tire Heesta carruurta: Ayaa dilay oo dagaalay Ayaa duur kulul ku jeexay Ayaa daqarada ku jiiday Ninkii dilay dayni maayo Dagaal baa naga dhexeeya Dab iyo qool baan u qaadan Heesta galbiska: Gabadha soo galbiyaay guud xariireey Gayaankeedii baa helayeey.. Quote Share this post Link to post Share on other sites