Sign in to follow this  
Mooge

Abdiweli met with Yemen's Ambassador in Garowe to talk about refugee crisis

Recommended Posts

Mooge   

IMG_2851.jpg

 

WARBIXIN+SAWIRRO: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdy tahay 17-5-2015 xafiiskiisa Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani.

 

Kullan gaar ah oo uu Madaxweynuhu la qaatay Safiirka ayaa waxaa uu uga warbixiyey dadaalka ay dawladda Puntland ugu jirto soo dhaweynta iyo dejinta qaxtootiga ka imaanaya dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaalo.

 

Waxaa uu sidookale Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii loogu gurman lahaa dadka ka soo qaxaya dagaalada Yemen islamarkaana ay jiraan gudiyo u xilsaaran u gurmadida walaalaheena Yemen ee dhibaataysan.

 

IMG_2851

 

Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani ayaa isna dhankiisa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas iyo dhammaan shacabka reer Puntland uga mahadceliyey sida ay ugu gurmadeen walaalahooda ay dhibaatadu ku habsatay.

 

Dawladda Puntland iyo shacabkeeda ayuuna ku amaanay sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Dawladda Yemen iyo shacabkeeda oo hada galay marxalad dagaal, isagoona qiray inaysan marnaba maankooda ka baxeyn walaalooda Puntland.

 

Imaanshaha Safiirka ee Puntland ayaa ku soo aadaysa xili ay si xawli ah ku soconayaan qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen ee soo gaaraya gudaha Puntland, kuwaasi oo ay dawladda iyo shacabka reer Puntland u fidiyen gurmad deg deg ah.

 

 

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this