Sign in to follow this  
Mooge

Puntland troops head to Tukaraq, Sool

Recommended Posts

Mooge   

Garowe(pp) Ciidan ka tirsan kuwa dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo gaadiid dagaal oo hubaysan ayaa maanta u socdaalay dhanka Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq.

 

Ciidankan waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse, waxayna kasoo kaceen degmadda Dongorayo ee Gobalka Nugaal.

 

Ciidankan ayaa ahaa kuwa hubaysan,waxayna wataan ku dhowaad labaatan gaadiid oo nooca dagaalka ah,Gen. Muxyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay duleedka waqooyi ee magalada Garowe ayaa sheegay sababta ay u aadayaan Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ay tahay sidii looga ilaalin lahaa dhulka Puntland waxa uu ugu yeeray cadowga Somaliland, wuxuna sheegay qof kasta oo reer Puntland ah inay waajib ka saaran tahay ilaalinta amniga iyo la shaqaynta laamaha ammaanka.

 

Mar wax laga waydiiyay Muxyadiin Axmed Muuse inuu dhammaaday khilaafkii horay u jiray ayuu ka gaabsaday inuu arrintaasi ka hadlo hase yeeshee waxa uu sheegay inuu maanta u taagan yahay sidii Puntland cadowga looga dhicin lahaa.

 

Saakadii hore Deegaanka Tukaraq waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore, waxana ka mid ahaa Taliyaha ciidanka Difaaca iyo saraakiil kale, sida uu Puntland Post warka ku hayo xalay Garowe waxaa ka baxay ciidan hubaysan oo watay gaadiid ku dhow toban waxayna hadda ku sugan yihiin Tukaraq.

 

Ciidamo ka socda Somaliland ayaa soo gaaray maalin ka hor deegaanka Tukaraq, walow wararku sheegayaan inay dib uga laabtaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

It is the same community that dances for both Somaliland and Puntland. Gambadhe

checkpoint east of Las Canood is where actual Somaliland control ends in Sool

which is settled by the Yagoori community, then you enter Tukaraq checkpoint

manned by pro Puntland Taleex community.

 

 

Source: I went to both areas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this