Mooge Posted April 21, 2015 Wararka aanu ka helayno degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha deegaankaasi ay kusii qul qulayaan gaadiidka caafimaadka oo sida dawooyin iyo weliba sidoo kale agab caafimaad. Gadiidkani ayaa sida daawooyinka noocyadooda kala duwan, waxaana la socda shaqaalaha gar gaarka caafimaadka kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dawaynta iyo la tacaalida dadkii wax ku noqday dagaalkii maanta ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool. talex 2 Wararka Allidamaale.com ay ka helayso deegaankaasi ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in caawa degmada Taleex ay ka jirto xaalad deganaan ah inkastoo laga baqsan yahay in dagaalo culus ay ka dhacaan mar kale deegaankaasi maadaama malayshiyaadkii maanta ku dagaalamay deegaankaasi ay kuwada sugan yihiin gudaha degmada Taleex. HALKAN RIIX SI AAD U DHAGAYSATO WARBIXIN LA XIRIIRTA ARINTAAS Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa wada qorshe ay ku dhex dhexaadinayaan labada dhinac si dagaalo kale aysan uga dhicin mar kale, waxaana la filayaa in qaar kamid ah isimadda dhaqanka deegaanada maamulka Khaatumo ay gaadhaan deegaankaasi kuwaas oo nabad kala dhex dhigaya beelaha ku wada dagaalamay deegaankaasi Taleex. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted April 21, 2015 niyoow small brother clans are fighting each other again in this beloved city of my ancestors. multiple sources are telling me the instigator of this fight is somaliland. Puntland government must intervene and stop this bloodshed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted April 21, 2015 Medical Team from Puntland is heading to Taleex. DEG DEG: (Dhagayso) Gurmadyo caafimaad oo kusii qul qulaya Taleex & xaalada deegaanka Wararka aanu ka helayno degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha deegaankaasi ay kusii qul qulayaan gaadiidka caafimaadka oo sida dawooyin iyo weliba sidoo kale agab caafimaad. Gadiidkani ayaa sida daawooyinka noocyadooda kala duwan, waxaana la socda shaqaalaha gar gaarka caafimaadka kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dawaynta iyo la tacaalida dadkii wax ku noqday dagaalkii maanta ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted April 28, 2015 If they are small brothers, why they killing each other? Umaddu hadaysan dawlad lahayn odayaal iyo qabiil makala celin karo. Waxaan rabaa inaan kula wadaago qiso igasoo martay sharciga qabiilka Waa baan tegay magaalo weyn oo soomaaliya ku taal boor iyo gawaari badan waxaan is iri qabiilka weyn inta dhex baxdid tuulada jifadu degto bisha arooska marna caano kabo marna malab. ayadoon iga qasnayn goor galab ah baa meel ii dhaw xabado ka dhaceen,wax yar ka dib waxaa ii yimid nin dheer oo qori garabka ku sita, indhihiisuna baalasha way kasoo horeeyaan War sow ina hebel ma tihid? Ha adeer bal nabad ma sheegtay adigu? Sow maadan maqlayn xabadihii dhacay ? Aniga haa adeer maxay ahaayeen ? Ina hebel oo ina adeerkaa sedexaada yaa mid ina adeerka shanaada dilay wuuna baxsaday Waa kow maxaa tala ah marka, bal is ilaali nimankii walaalihiis meelahay ka dhow yihiin niman fiicana laguma sheegayne ,,,nabadey Waayahay adeer nabad gelyo War ileen tanoo kale haddaan magaaladii weynayd ku noqdo waxaan ka baqay in magac la ii bixiyo qoraxdiina way dhacday,gabadhii baan weydiistay laba barkimood si aan u seexdo wakhti hore Caano miyaadan cabayn malabka ha iska daadin waa xalay oo nabad lagu seexday ,caawana waa habayn kale, waryaanan hadal kugu daalina habeen dheer buu ahaa,markaan indhaha is geliyo cigaal shidaad baa ii yimaada, naf iyo aduunyo lama jeclaadee nin iska dhig oo calool adayg marnaba uguma yiraahdo, wuxuu ii sheegaa sanqadhii yeertaba in wax yar la iisoo jiro. si kastaba sheeko dheer bay ahayd weji kalay yeelatay subixii weyna iska degtay anigoon fashilmin alxamdulilah halkaas waxaan ku qaatay casharkii kumaandoosta ee jufada Iyo sharciga qabiilka. Umadaas allaha hagaajiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted April 28, 2015 If they are small brothers, why they killing each other? That is a great question. What is the reason for killing one another? The answer lies in the direction of "political manipulation". Quote Share this post Link to post Share on other sites