Mooge Posted April 20, 2015 Garowe(pp) Taliyaha qaybta booliska Gobalka Nugaal Axmed Cabdilaahi Samatar oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee lala eegtay shaqaale ka tirsan UN-ta Puntland. 1Layli ayaa sheegay tiradda dhimasha uu sababay qaraxa inay tahay todobo qof, dad kale oo intaasi leegna ay ku dhaawacmeen, wuxuna sheegay qaraxan inuu ka kacay qof Isi soo miidaamiyay oo saarnaa gaariga qarxay. ”Waxaa ku dhintay Todobo qof, Lix qof waxay ahaayeen dadka dhintay, qofka kalena wuxuu ahaa kii is qarxiyay, afar waa Ajanibi dadka dhintay labo waa Soomaali, dhaawaca waa todobo, shan waa Soomaali, labona waa Ajanibi, Ninka is-qarxiyay waxaa la hayaa lugihiisii, gacmihiisii iyo madaxiisii, baaritaan ayaa lagu jiraa ilaa iyo hadda. Laamaha ammaanka ayaa wali wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxan iyo cida ka danbaysay, walow aysan wali sheegin masuuliyadda qaraxan cida leh, waxaa badanaa weerarada noocaan oo kale ah lagu yaqaanaa ururka Al-Shabab. Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa booqday goobta uu qaraxu ka dhacay iyo dhaawacyadii oo la geeyay Isbitaalka guud ee magalada Garowe. Waa qaraxii ugu horeeyay oo dhimasho iyo dhaawac sababay kana dhacay magalo madaxda Puntland ee Garowe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted April 20, 2015 shock and disbelief. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted April 20, 2015 Garowe(pp) Madaxwyane ku xigeenka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ahna ku simaha madaxwaynaha Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camey ayaa si deg deg ah u magacaabay guddi wasiirro iyo Taliyaal ciidan iasgu jira oo baaritaan ku samaynaya qaraxii saaka lala eegtay shaqaale ka tirsan QM ee magalada Garowe. IMG_7302Guddigan ayuu Camay magacaabay ka dib markii uu tagay goobta qaraxa loogula eegtay gaariga UNICEF iyo dhaawacyadii la geeyay Isbitaalka Garowe, wuxuna sheegay inay ka xun yihiin ka dowlad iyo shacab ahaan falkan, hase yeeshee uusan wax saamayn ah ku yeelan ammaanka iyo kala danbaynta Puntland. Gudiga oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay ka yihiin. Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi Dhinaca kale Qoraal ay soo saartay Hay’adda UNICEF ayaa lagu xaqiijiyay qaraxan inay uga dhinteen afar ka mid ah shaqaalahooda, waxana lagu cambaarerar weerarkan oo saakadii hore Garowe ka dhacay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted April 20, 2015 niyoow how did Alshabab infiltrate the most well-organized, well-planned city, the Washington of Somalia? how did the terrorists even enter garowe? this is the safest city in all of Somalia. nobody kills in garowe niyoow. there are no murders. there is virtually no crime niyoow. something is going on. could this be related to politics? Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted April 21, 2015 Mooge jaamac,,, waa runtaa magaalada garoowe waxay ku jirtaa magaalooyinka ugu nabadda fiican soomaaliya, laakiin Washington way ka yar tahay marka laga fiiriyo xagga balaca. si kasataba dagaalkanu waa ka duwan yahay mid la is taago wadada lagasoo galo iyo tan looga baxo, waa bariiskaad cunayso oo dhagax kuu galay. Cid iska ilaalin kartaa majirto una malayn maayo qof sujuud ilaahay ku maqan nin masjid ku dhex dilay inuu UN dayanayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted April 21, 2015 AUN inta dhimatay. Mooge, don't you work for the UN? Watch out saxib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
DoctorKenney Posted April 21, 2015 Al Shabab is on a death spiral niiyow. I doubt this will last much longer. They're on their way out already. Quote Share this post Link to post Share on other sites