Sign in to follow this  
Saalax

Senile Siilaanyo is now begging Ismail Omar Geele

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Codsi U Diray Madaxweynaha Jabuuti

 

Hargeysa(Ramaas)March-12-2015-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay in uu Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ka dalbado in uu dhexdhexaadiyo ismariwaaga wadahadalada burburay ee Somaliland iyo Somaliya.

 

 

 

Xogo wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in Madaxwayne Siilaanyo codsigiisa u gudbiyay Madaxwayne Geele isla markaana uu sheegay in Somaliya ka leexatay hanaankii wadahadalka labada dhinac u socday,Mudane Siilaanyo ayaa la sheegayaa in Geele uu waydiistay in uu dawlda Somaliya ee uu hogaaminayo Xasan Sheekh ku qanciyo in raga kasoo jeeda Somaliland uu ka reebo wadahadalka,isla markaana beelaha Waqooyi oo dhinac ah iyo Koonfurta oo dhinac ah loo wadahadlo mar haddii labo dal oo isku biiray ahaayeen ayuu ku dooday Madaxwayne Siilaanyo.

 

 

 

Warkan ayaa kusoo beegmaysa xili Raysalwasaaraha Somaliya oo hogaaminaya wafti wasiirka Arimaha Dibada Dr.Hadliye oo kasoo jeeda Awdal Iyo wasiirka duulista Iyo Hawada Cali Jaamac Jangali oo kasoo jeeda gobolka Sool ku sugan yihiin dalka Jabuuti.

 

 

 

Lama sheegin in Madaxwayne Geele codsiga Madaxwayne Siilaanyo kala hadli doono Raysalwasaaraha Somaliya iyo inkale lama oga qaabka loo soo afjari doono ismariwaaga labada dhinac ee Somaliya Iyo Somaliland oo dhinac walbaba rajaynayo guul ay dadkiisu ku qancaan.

 

 

 

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa heshiis hore ugu gaadhay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle soo dhex gali karo marka loo baahdo.ad

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Madaxweyne-Siilaanyo-Oo-La-Sheegay-Inuu-Codsi-U-Diray-Madaxweynaha-Jabuuti.html#sthash.cRRReVS9.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Saalax, siilanyo has reduced Somaliland to a joke. he is the one who created the issue and now he is regretting it and wants mercy from mogadishu. odayga ya la taliya horta. ma xirsi gaab ba guriga weli u fadhiya niyoow. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Mooge Senile Siilaanyo has always been a weak person even in the past. Not

surprised he is now begging Ismaaciil Cumar Geele after getting snubbed by

Culusow lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this