Axmed1508736699 Posted February 25, 2015 Ra'isulwasaaraha Xukumadda Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday iney aqoonsi siinayaan Maamulka Khaatumo State kadib markii xaqiraad iyo cadaalad daro lagu sameeyay mudo dheer. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay wafdi uu horkacaayay Madaxweynaha Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galeydh. Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale la kulmay wafdiga Madaxweyne Galeydh uu hogaaminaa. Khaatumo State of Somalia oo dagaalo dhiig badan ku daatay la gashay Maamulka Siilaanyo waxeey astaan u noqotay ilaalinta Midnimadda Jamhuuriyadda Somalia hasse yeeshee nasiibdarada madaxda Somalida iyo Wadaniyad xumadooda sideey ku habooneed looma siin aqoonsi maamul goboleed. Madaxda Somalia waxeey aad uga baqayeen Maamuladda Puntland iyo Somaliland oo doonaya iney xuurta ku heeystaan Goboladda Khaatumo State oo la xaqiijiyay inuu ka buuxo Batrool. Quursiga iyo isla qabweynida aan la qaadan karin waxeey tahay in Puntland iyo Somaliland qofkii u dhashay ay Maxkamad ku xukumayaan hadii uu maamulada kale u shaqo tago laakiin iyagu ay ku doodayaan iney Khaatumo metelaan Xaglatoosiye iyo kuwa la mida oo Calooshood u shaqeeystayaala. Sikastaba ha ahaatee, waxeey geesiyadu ku gabyeen "Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno" !! Waa kuwo xusuustii lunshoo xaaran gabigoode Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye Waa kuwo is ximin iyo ku nool iney xil gaadaane Waa kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye ! Waa kuwo la xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted February 25, 2015 ssc region is part and parcel of puntland. shekoyinka beenta qoslaye ha maqlin niyoow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Axmed1508736699 Posted February 25, 2015 Niyoow dont make clown of puntland kkkk Why is Puntland a dangerous monster to Khatumo, and extremely innocent puppy to somalidiidka? Quote Share this post Link to post Share on other sites