Axmed1508736699 Posted February 15, 2015 Khaatumo oo Guulo ka sheegatay Dagaal ay la gashay Ciidamada Somaliland 3 2 Google +0 0 Axad, Feberaayo 15, 2015 (HOL) — Dagaallo u dhexeeya maamulka Somaliland iyo kan Khaatumo oo maalinimadii shalay ahayd dib uga cusboonaday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool oo horay dagaallo ay uga dhaceen, ayaa waxaa guulo ka sheegtay maamulka Khaatumo. Dagaalkan oo khasaarihiisa aan la hubin ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada gobolka Sool ,kuna dhow deegaanka Saaxdheer oo xarun u ah maamulka Khaatumo sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah. Xildhibaan Faarax Cali Garoon oo kamid ah xildhibaanada Khaatumo ayaa sheegay inay ciidamadooda iska caabiyeen dagaal socday muddo saacado oo ay Saaxdheer kula galeen ciidamada maamulka Somaliland. “Walaal waxaan xaqiijin karnaa in ciidamada Somaliland ay dib uga laabteen deeganadii ay shalay ku soo duuleen ,waayo diyaar ayaan u nahay inaan difaacno dhulkan “ ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta. “Wali waxaa jira goobo ku dhow Saax-dheer oo labada ciidan isku hor-fadhiyaan ,waxa ay ka soo horjeedaan jiritaanka maamulkan oo ka madax banaan maamulada kale “ ayuu mar kale yiri xildhibaan Faarax Cali. Ugu dambeyn, maamulka Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin arintan ,waxaana sii kordhaysa xiisadda u dhaxeysay ciidamada Khaatumo iyo maamulka Somaliland,iyadoo masuulkan la hadlay warbaahinta uu sheegay in dad badan ay ka barakaceen colaadahan. Faysal Mohamed Hassan Boston@hiiraan.com - See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Feb/wararka_maanta15-90214.htm#sthash.bOctebrS.dpuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 15, 2015 Dagaalkan oo khasaarihiisa aan la hubin ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada gobolka Sool ,kuna dhow deegaanka Saaxdheer oo xarun u ah maamulka Khaatumo sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah. How can khatumo claim to have killed allot of people when khasaaaraha la hubin loolz Nothing biggie happen more of hit and run tactics Somaliland will maintain that Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted February 15, 2015 somaliweyn desperados fighting for life,just to stay on headlines. this what happen below: Quote Share this post Link to post Share on other sites