Sign in to follow this  
Axmed1508736699

Should Qoslaaye step down? He is ill.

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta oo arbaco ah u kicitimay dalka Jarmalka, halkaasoo Madaxweynuhu baaritaan caafimaad ku mari doono muddo todobaad ah.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ugu dambeysay oo meel faqaaro ah lagu arkay ay ahayd cashadii xalay Ra’iisal Wasaaraha u sameeyay xubnaha Baarlamaanka, waxaana uu ka sheegay in aanu xiri doonin kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka, isagoo u ambabixi doono Jarmalka.

 

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu sii mari doono dalka Turkiga, maalinta berrina uga sii gudbi doono dalka Jarmalka.

 

Mid ka mid ah Xaasaskiisa ayaa la socoto, Agaasimaha Madaxtooyada iyo qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa iyana ku wehlin doonaan Isbitaalka inta uu marayo baaritaanka Caafimaad.

 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Madaxweynuhu tiro labo jeer uu xanuunsaday bilawgii sanadka iyo bishii Decembar ee dhamaadkii sanadkii hore.

 

7 cisho ayaa la sheegay in la seexin doono Isbitaal ku yaala Jarmalka, waxaa uu maraya baaris guud iyo mid gaar ahaaneed intaba.

 

Laga soo bilaabo bishii Octobar 2014 ilaa iyo maanta oo ah 11 Fabarayo 2015 ta Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu galay dagaal Siyaasadeed aad u dheer, waxaa ku furmay buuq iyo daal fara badan, qeybo ka mid ah jirkiisa ma wanaagsana xanuun ayuu dareemaya sidaas darteed waxaa loo baahday Caafimaad dibadda ah.

 

 

 

Let him step down and work on his health.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this