Axmed1508736699 Posted February 11, 2015 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta oo arbaco ah u kicitimay dalka Jarmalka, halkaasoo Madaxweynuhu baaritaan caafimaad ku mari doono muddo todobaad ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ugu dambeysay oo meel faqaaro ah lagu arkay ay ahayd cashadii xalay Ra’iisal Wasaaraha u sameeyay xubnaha Baarlamaanka, waxaana uu ka sheegay in aanu xiri doonin kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka, isagoo u ambabixi doono Jarmalka. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu sii mari doono dalka Turkiga, maalinta berrina uga sii gudbi doono dalka Jarmalka. Mid ka mid ah Xaasaskiisa ayaa la socoto, Agaasimaha Madaxtooyada iyo qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa iyana ku wehlin doonaan Isbitaalka inta uu marayo baaritaanka Caafimaad. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Madaxweynuhu tiro labo jeer uu xanuunsaday bilawgii sanadka iyo bishii Decembar ee dhamaadkii sanadkii hore. 7 cisho ayaa la sheegay in la seexin doono Isbitaal ku yaala Jarmalka, waxaa uu maraya baaris guud iyo mid gaar ahaaneed intaba. Laga soo bilaabo bishii Octobar 2014 ilaa iyo maanta oo ah 11 Fabarayo 2015 ta Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu galay dagaal Siyaasadeed aad u dheer, waxaa ku furmay buuq iyo daal fara badan, qeybo ka mid ah jirkiisa ma wanaagsana xanuun ayuu dareemaya sidaas darteed waxaa loo baahday Caafimaad dibadda ah. Let him step down and work on his health. Quote Share this post Link to post Share on other sites