Sign in to follow this  
Saalax

Man tries to burn people in a Mosque in Hargeisa

Recommended Posts

Saalax   

Nin isku-dayay inuu gubo Masaajid lagu tukanayo “Hargeysa” oo la qabtay

 

 

5th Feb, 2015

 

“Dadkii Salaada Tukanayay, ayaa ka baxay Salaadii, kaddib markuu ku rusheeyey Baatrool ee uu damacay inuu dab qabadsiiyo”goob-joogeyaal —

 

 

Hargeisa-(Qaran-news)-Booliska Saldhiga Xisbiga ee Suuqa Iddaacada ee Magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay Nin Fal Argagax iyo naxdin badan kula kacay Dad ku tukanayay Masaajid halkaa ku yaalla Salaadii Duhur ee Maanta, kaasoo isku dayay inuu dab sudho Masaajidka iyo Dadka ku Tukanayay iyagoo Salaada Jamaca ku jira.

 

 

 

Ninkan oo sida la sheegay Kabaha dadka ugu Baalashayn jiray Xamaam ku yaalla Agagaarka Masaajidka, ayaa markii Salaadii Duhur la galay Caagad Batrool ah ku rusheeyey Albaabbada Masaajidka iyo qayb ka mida gudaha oo uu ku saydh-saydhay dadkii Safafka Salaada ku jiray.

 

 

Markii uu Baatroolkii ku rusheeyey, ayaa wuxuu damcay inuu ku shido Bulukeydka Sigaarka laga shito ama Lighter qofba siduu u yaqaano, kaddibna dadkii Salaada ku jiray iyo kuw kale oo dibada ka arkay qorshahan uu Diyaarinayo ayaa ka gaadhay isagoo aan wali Dabkii la gaadhin meeshii uu Shidaalka ku rusheeyey, sida ay Gobanimonews u sheegeen goob-joogeyaal halkaasi ay kula kulmeen Wariyeyaasha.

 

Dadka Shacbiga ah ee ku guulaystay inay fashiliyaan Falkan foosha xun , ayaa Booliska ku Wareejiyey Ninkaas isku dayga sameeyey oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Baalashle, waxaanay Boolisku markiiba u taxaabeen Saldhiga Suuqa Xisbiga ku yaalla.

 

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Booliska oo la xidhiidha dhacdadan, hase-ahaatee goob-joogeyaasha dhacdadani waxay intaas ku daray “Ragcadii u dambeysay ee Salaada ayaa lagu jiray. Dadku markii ay is-hayn kari waayeen ayay ka baxeen oo qabteen, isagoo markaa doonaya inuu Buluukeedka ku shido meeshii uu Baatroolkii ku Shubay” ayay yidhaahdeen dadkii dhacdadan Markhaatiga ka ahaa.

 

“Gudaha Masaajidka halka Iimaanka u dhow ayuu la tegay” ayey sii sheegeen goob-joogeyaasha rayidka ahi.

 

 

 

Geesta kale, qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Xoogsatada Jiiraanka la ah Masjidka falka isku dayga ahi ka dhacay, ayaa Wariyeyaasha GNA u sheegay in Ninka oo da’diisa lagu qiyaasay 25 ilaa 30 jir inta u dhaxaysaa uu marar hore colaystay Eeddaanka iyo Aqiinka Masaajidka, “ dhowr jeer oo hore ayuu Iimaanka Masaajidka ku yidhi naga jeediya Sameecada sidii uu karahsanayo codka Sameecada ka soo baxaya” ayuu u sheegay Gobanimonews mid ka mid ah Dadka halkaa ku Ganacsadaa.

 

 

 

Ninka Falka argagaxisanimada kula kacay Dadka Salaada ku jira, ayaa waxay dhalashadiisa lagu sheegay Soomaali, waxaana dadka aqoonta hore u lahaa tilmaameen inuu muddo dheer agagaarka Masaajidka iyo suuqa Xisbiga Baalashle ka ahaa “muu waalnayn ee waxan u malaynayaa in la soo diray” ayuu yidhi goob-jooge kale.

 

 

 

Weerarka noocan ah oo marka caqiido ahaan iyo dhaqan ahaanba loo eego waxshinimo ah, ayaa ku cusub goobaha lagu cibaadeysto iyo asal ahaan meelaha caadiga ah ee bulshadu ku kulanto. “Tuug dadka kabaha ka xadda inta salaada lagu jiro ama Gaadiidka Salaada laga tago baadha ayaa hore loo arki jiray, balse waa fal ugub ah kan oo kale” sidaas waxa yidhi Qof ka mid ah Dadweynihii ku soo uruuray goobta falku ka dhacaySi kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa fajac iyo ammagkaag ku noqotay qof kasta oo maqlay ama ka mid ahaa dadkii goob-jooga u ahaa.

 

 

 

 

https://www.qarannews.com/nin-isku-dayay-inuu-gubo-masaajid-lagu-tukanayo-hargeysa-oo-la-qabtay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

ever since Siilaanyo came, we are seeing weird behaviour display from people. he is causing so much stress and mayhem. siilaanyo is not goood for somaliland niyoow. i know xaaji who is a staunch cousin of siilaanyo will defend this old man till eternity but reality is that this is a failed president.

 

awdal is on fire and everywhere else is suffering. he has to go.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this