Sign in to follow this  
Saalax

IDPs from Awdal to be resettled in Gabiley after 23 years, creates tensions

Recommended Posts

Saalax   

Gabiley oo ay Xiisad ka Abuurtay Qaxoontii Reer Awdal ah oo Muddo 23 Sanno ka dib ah Dib loogu soo celinayo.

 

Anaga oo ah Barakacayashii ku soo Qaxnay Borama oo tiradaydu ahayd Saddex Boqol Oo Qoys, Waxa Dib lanoogu celinayaa Gabiley, Kalabadh, Xuunshalay, Galoolay

 

Hargeysa(Waaheen) Gobolka Gabilay ayaa Waxa Xiisad ka Abuuray Dad la sheegay in Muddo 23 Sanno ka hor ay ka Barro kaceen Deeganka Gobolka Gabiley iyaga oo Mudadaasi ku Noollaa Gobolka Awdal gaar ahaana Magaalada Borama.

 

 

Dadkan Barakacayaasha ah ayaa Waxay ka kooban Yihiin Saddex boqol oo Qoys kuwaasi oo Todobaadkan dib loogu soo celinayey Deeganadii ay sheegen in ay hore uga qaxeen oo kala ah Gabiley, Kalabadh, Xuunshalay, Galoolay iyaga oo Xusay in ay Beerahoodii iyo dhulkoodii ay halkaasi ku yaallan.

 

Dib u soo Celinta Dadkan ayaa waxa iska Kaashaday Wasaarada Dib u dajinta Somaliland iyo Hay’ad ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Qaxoontida.

 

 

Mid ka Mid ah Dadkii Dib loogu soo Celinayey Deegankii Muddo 23 Sanno ka hor uu ka Barakacay oo ka Hadlaya Deganka lagu Celinyo ayaa waxa uu yidhi. “Anaga oo ah Barakacayashii ku soo Qaxnay Borama oo tiradaydu ahayd Saddex Boqol Oo Qoys, Waxaana lanagu celinayaa Deegankii aanu ka soo jeednay ee Gabiley, Kalabadh, Xuunshalay, Galoolay, dhawr maalmoodbana dadka waa la daad Guraynayaa si ay dib ugu noqdaan Deegankoodii, Dhulkoodii, Beerahoodii oo muddo dheer ay ka Maqnayeen waxa na celinaysa Wasaarada Dib ud dajinta iyo haay’ad”Ayuu yidhi.

 

 

Dhan kale Waxa Arrintaasi ka Jawaabay mid ka mid Ah Xildhibaanada Gollaha Deeganka Gobolka Gabiley waxanu sheegay in aan waxba laga socodsiin Soo celinta Qaxoontigaasi, isaga oo Eeda Arrintaasi dusha ka saaray hay’adda Qorashahan wadda Waxanu yidhi Xildhibaan Jamaado. “Gollaha Deeganku waxa uu u xilsaran yahay Dajinta dadka soo barkacay in isla markana Qorshe loo sameeyo, laakiin Hay’addu iyada oo aan Gabiley iman oo Gollaha Deeganka la kulmin dad Barakacayaal ah ma dajin karto, haddii hay’adu dadka meelahasi ku daadiso dee Gordhow waxa Imanaya Muran iyo Isqabqabsi, marka Waxanu Cod dheer ku leenahay Arrintaasi halaga foojignaado.”Ayuu yidhi Xildhibaan Jaamado oo ka mid ah Gollaha deeganka Gabiley.

 

 

Aadan Maxamed Xaaji oo ka mid ah Siyaasiyiinta gabiley oo isaguna Arrintaasi ka hadlaya ayaa Eedeyn u jeediyey hay’adda iyo Wasaarada Dib u dajintaba. Waxanu yidhi. “Waxaan ka hadlayaa hay’ad, iyo Wasaarada Dib u Dajinta Somaliland oo Qorshe aan lays ogey Borama Dad kaga soo rareysay, dadkaasi oo loo soo rarayo Deeganada, Gabiley, Xunshalay, kalabadhka, waxa kale oo aan Cadeynayaa in aanay Jirin Qaxoontii Reer Awdal ah oo muddo 23 Sanno ka Maqan Beerahoodii ama hantidoodii”

 

 

http://waaheen.com/?p=40021

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this