Sign in to follow this  
Mooge

Garowe Businessmen answered Abdiweli's call for self-sufficiency.

Recommended Posts

Mooge   

2557.jpg

 

2621.jpg

 

2588.jpg

 

Ganacsatadda Gobolka Nugaal oo Ajiibay Codsigii M/weyne Gaas ee loogu magac-daray(Puntland Ha isku tashato)4-Gawaarina ugu Deeqay Ciidamadda Booliiska ee Garoowe(Sawirro)

 

Ganacsatadda Gobolka Nugaal oo soo ajiibay baaqi madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato ayaa maanta si rasmi ah madaxweynaha ugu wareejiyey saddex gaari oo ay ugu talagaleen in looga shaqeeyo amniga Gobolka Nugaal iyo gaari wiisha oo degmada Garoowe iyana bixisay.

 

Xafladda ay ganacsatadaasi ku wareejinayeen gawaaridaas oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Wasiiiro katirsan xukuumada Puntland , Ganacsato , Saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in talaabadan wanaagsan ee ay maanta qaadeen ganacsatada Gobolka Nugaal ay jawaab cad u tahay sida dadka reer Puntland diyaar ugu yihiin inay isku tashadaan.

 

‘ Waxay arrintani jawaab u tahay halhayskeeni ahaa Puntland ha isku tashato, waxana ay qiraal u tahay sida dadka reer Puntland diyaar ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan amnigooda, Nabad gelyadooda iyo horumarinta dalkooda” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

 

” Mashaariic intaan ka waaweyn oo weliba buundooyin iyo wadooyin leh ayaanu isku tashanay oo weliba ku guulaysanay, marka aad bay u mahadsan yihiiin ganacsatada reer Nugaaleed jawaabta ay ka jawaabeen codsigii dawladdu ka codsatay in ay ka qeyb qaataan amnigooda ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka reer Puntland ugu baaqay inay hiil iyo hooba ciidankeena la garab istaagaan una muujiyaan wada shaqeyn buuxda si ay uga guulaystaan cadowgooda.

 

”Maanta wixii ka dambeeya umaleyn maayo in ay jiri doonto marmarsiinyo dambe oo ciidanka booliska Nugaal sheegi doonaan, sababtoo ah wax walba oo aanu isleenahay waad ku kabteen waa ay u dhan yihiin maanta ama gaadiid ha noqoto ama wixii kale oo sharciga iyo kaldambeynta ah iyagana waxaa looga fadhiyaa in ay qabtaan shaqo wanaagsan ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

 

” Waxaa kaloo booliska gobolka Nugaal looga fadhiyaa amaanadaa loo dhiibay ama gaadiid hanoqoto ama wixii kale oo ay noohayaan hanoqoto in ay xafidaan oo ay weliba ilaaliyaan, anana waan ku eegeynaa iyana dabcan waxa weeye qalabkii ay ku shaqeyn lahaayen waxaa looga fadhiyaa inay ilaaliyaan ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweye Gaas.

 

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn furaha gawaaridaasi si rasmi ah ugu wareejiyey Wasiirka Amniga Puntland Xasan Aloore waxana uu sidookale wasiirku isna ku wareejiyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf, halka taliyuhuna uu ku wareejiyey furayaashii Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar Layli.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

donating police vehicles to the local police department is the first step in people taking their own faith into their own hands niyoow. abdiweli has repeated said Puntland ha iskutashato and that slogan is becoming a reality day after day.

 

kudos to our businessmen for giving back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this