Sign in to follow this  
Mooge

The EU will open an office in PUNTLAND. Dual policy

Recommended Posts

Mooge   

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-1-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Shaqaalaha EU-da ee Aduunka Mr. Kenneth Dean iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey,iyagoo xafiis ka furanaya Caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.

 

Madaxweyne Gaas ayaa Mr. Kenneth Dean iyo masuuliyiinti la socotay kala hadlay sidii wada shaqeyn buuxda loo yeelan lahaa islamar ahaantaana dawladda Puntland u heli lahayd saamigeeda taakulaynta iyo mashaariicda European Union siiyaan Soomaaliya, taasoo madaxweynaha Puntland uu sheegay in European Union dhaqaalaha soomaaliya loogu deeqo ay ku xareeyaan magaalada Muqdisho oo keliya loona baahan yahay in si siman maamulada soomaaliya kajira oo dhan loogu xaqsooro.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in Puntland laga taageero dhinaca amniga, Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada, sidookale madaxweynaha ayaa sheegay si loola dagaalamo argagixisada caalamiga ah ee alshabaab loo baahan yahay in European Union ay taageeraan ciidamada difaaca ee dawladda Puntland oo ubaahan qalabeyn ciidan, taakuleyn dhinaca gaadiidka ciidanka iyo saanada kale ee milatariga iyo weliba in la siiyo ciidanka tababaro caalami ah.

 

Mr Kenneth Dean ayaa dhankiisa sheegay in European Union diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dawladda Puntland islamar ahaantaana tilmaamay in xafiiskooda EU CAP-NESTOR ay ka furanayaan magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, xafiiskaasi oo ka shaqeyn doona isku xirka iyo wada shaqeynta European Union iyo dawladda Puntland.

 

 

Wafdigii ka socday European Union ayaa sidookale sheegay in dhankooda ay ka howlgeli doonaan sidii ay dawladda Puntland uga taageeri lahaayeen qodobadii muhiimka haa ee uu madaxweynaha dawladda Puntland uu ka hadlay.

 

Kulankii ay maanta wada yeesheen Madaxweyne Gaas iyo wafdigii balaarnaa ee ka socday EU-ada ayaa waxaa ay labada dhinac islagarteen muhiimada ay leedahay in Puntland ay hesho saamigeeda dhaqaalaha European Union ay ku taageeraan Soomaaliya.

 

00000yur_4.jpg

 

<img src="http://shacabkamedia.com/warka/images/stories/2011/Caasho/img_2293.jpg

 

00yur_2.jpg

 

10615410_10152951599591878_1078455341922538300_n.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow cabdiweli is hitting big notes this week. the recognition of Puntland by major powers and creating more investment was one of the promises he made. his promise is coming to fruition niyoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this