Saalax Posted January 26, 2015 Abdaal oo lagu xidh xidhay 5 qof oo madaxweyne Siilaanyo Kabo Ku Salaamay xiligii uu xagaas maraayay Hargeysa,(Qaran-news)–Shan qof oo kabo ku taagay madaxwayne Siilaanyo ayaa lagu xidhay tuulada Abdaal oo ka tirsan gobolka Saaxil. Waxa tuulada Abdaal ee ku taala wadada laamayda ah ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera dhexdooda ku xidhan 5 qof oo u dhashay deegaankaasi ka dib marki ay abaarro kowdi duhurnimo ee maalintii doraad kabo u taageen madaxweyne Siilaanyo oo xiligaas isaga iyo kolayadiisu ay jidka soo hayeen, isla markaana ka soo laabtay socdaal uu ku marayey gobolada bariga Somaliland, kuwaas oo ku soo jeeday dhinaca Caasimadda dalka ee Hargeysa. Shantan qof ayaa waxay ciidamada ammaanku xabsiga Mandheera u taxaabeen saacado kadib marki uu madaxweynuhu ku soo noqday Magaaladda Hargaysa iyadoo amarka qabashadooda uu ka soo baxay xaaska madaxweynaha Aamina Waris, taasoo sida la sheegay aad uga cadhootay dhacdadaasi kabaha loogu taagay Odaygeeda. Haatuf. https://www.qarannews.com/abdaal-oo-lagu-xidh-xidhay-5-qof-oo-madaxweyne-siilaanyo-kabo-ku-salaamay-xiligii-uu-xagaas-maraayay/ Quote Share this post Link to post Share on other sites