Axmed1508736699 Posted January 22, 2015 Another Koonfurians die in suicideattack. This delights the faces of somalidiids! FAAHFAAHIN: Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo lagu weeraray wafdi Turki ah 0 0 Google +0 0 Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa. Inta la ogyahay laba qof oo ahaa kuwii weerarka fuliyay ayaa ku dhintay, laba qofna ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa xilligaas dad fara badan oo isugu jiray shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya. Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay. “Hoteelka waxaa deggenaa wafdi Turki ah, wax khasaare ah oo gaarayna ma jirto,” ayuu yiri Faarax Nuur oo ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. “Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa.” Quote Share this post Link to post Share on other sites