Sign in to follow this  
Mooge

News from Wabar Mountains: Diaspora join the fight. Pictures

Recommended Posts

Mooge   

saleeban1.jpg

 

War naga soo shacabka degmada Jirjir ayaa sheegaya in xalay uu deegaankaasi soo gaadhay mid ka mida Hogaamiyayaasha Jabhada GLM ee Suldaan Abiibakar Cimi Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay in Gadabuursi ka goosteen Maamulka Hargaysa.

 

Hogaamiyan oo Magaciisa la yidhaahdo Saleebaan Cawaale Good kana mid ah qurbajooga ayaa la sheegayaa in 5tii galabnimo soo galeen deegaankaasi isla markaana ay dadka halkaasi ku nool uu la hadlay ugana waramay waxa uga gudboon kacdoonka Suldaan Abiibakar Cimi Wabar uu hormoodka ka yahay.Saleebaan ayaa la sheegayaa in ay la socdeen tobaneeyo jabhada isla markaana uu laadlaadsanayay qori silsilad leh jeeni qaarnaa kana laabtay deegaankaasi saacadu markii ay ahayd habeenimada fiidkii .

 

Mar aanu la xidhiidhnay dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in Saleebaan Cawaale Good iyo jabhadaasi soo gaadhay deegaankaasi Jirjir lana kulmeen dad ka qaar,kadibna ay ku laabteen halkii ay ka yimaadeen.

 

Dhanka kale waxaa la sheegayaa in xalay ay ciidamada Somaliland iyo jabhad la sheegay in ay taageersan tahay Suldaan Wabar isku hirdiyi gaadheen deegaanka QOLQOLKA,waxaana dadka deegaanku sheegayaan in jabhadaasi dhinac martay ciidamada Somaliland lana ogayn meel ay tageen .Balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in jabhadaasi u gudubtay dhanka buuralayda ee Boon,lamana shaacin tirada raga halkaasi maray.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this