Sign in to follow this  
Axmed1508736699

Puntland fighting against Terrorists. I though they were defeated?

Recommended Posts

Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe gellinkii dambe ee maanta ka hadlay dagaallada Gal-gala ku dhexmaraya ciidamada Puntland iyo Al-shabaab, isagoo xusay in dagaalladaas ay ku dileen 20 ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayna kaga qabteen saraakiil sar-sare.

 

C/weli Gaas ayaa sheegay in dagaalladaas ay guulo waaweyn ka gaareen oo ay ka saareen Al-shabaab meelihii ay kaga sugnaayeen deegaankaas; ayna hadda si buuxda iyaga gacanta ugu haraan.

 

“Dagaalka Galgala waa wajigii labaad ee dagaallada aan Al-shabaab kula jirnay, waxaana ku gaarsiinnay dagaalladan dambe khasaare aad u xoog badan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

 

Sidoo kale, madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa hadalkiisa ku daray inay ciidankooda kaga qabsadeen deegaanno ay ka mid yihiin; Guri-xoor, Dhagax-dheer, Guri-xiis, Guri-dhakeyn, Diin-digle iyo kuwo kale oo badan oo uu sheegay inay ka hooseeyaan buuraha Galgala oo ay saldhigyo ku lahaayeen kooxaha argagxisada ah.

 

“Waxaan Al-shabaab kaga dilnay dagaallada u dambeeyay 20-qof, waxaan ku dhaawacnay 29-kale. Waxaana kaga qabannay saraakiil ay ka mid yihiin; Mukhtaar Cabdulle Axmed oo ku magac-dheer (Axmed Gurey) oo ahaa sarkaalkii ugu muhiimsanaa ee dagaal-gelinta iyo Axmed Cabdi Maxamed,” ayuu yiri Gaas.

 

DHAGEYSO: Shirka Jaraa'id ee Madaxweynaha Puntland

 

Madaxweynaha Puntland oo sii hadlayay ayaa xusay in dagaalladaan socda ay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay xoogaga Al-shabaab kaga saaraan meelaha ay weli kaga sugan yihiin deegaanka Galgala.

 

Gaas oo ka hadlayay khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalladan ayaa sheegay inay kaga dhinteen illaa hadda shan askari; ayna dhaawacyo kasoo gaareen afar askari oo kale.

 

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay go’aankooda ku aaddan Al-shabaab ayuu sheegay inay yihiin cadow caadeystay inay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, aysana wax gor-gortan la geli doonin, balse ciddii ka tirsan oo si nabadgalyo ah isku soo dhiibta ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan.

 

“Xubnaha lagu qabtay dagaalka waxaa la horgeyn doonaa maxkamad taas ayaana go’aan ka gaari doonta. Cid walba oo dagaal lagu qabtana mowqifka aan ka taagannahay waa in maxkamad lasoo taago,” ayuu C/weli Gaas ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Jan/wararka_maanta6-89645.htm#sthash.wExvKqUj.dpuf

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this