Mooge Posted December 26, 2014 Kadib markii uu Warbaahinta ka sheegay Afhayeenkii AMISOM Korneyl Cali Xumad,weerarkii Xalane ka dhacay inay lug ku leeyihiin Xubno Damjadiid oo Dawladda Federaalka ka tirsan,ayaa sababtay Ciidamadda AMISOM inay shaqadda ka ceyriyaan Afhayeenkii AMISOM ee Dalka Jabuuti ka soo jeeda Amisom, ayaa waxay si cad u sheegtay inaanu Korneyl Cali Aadan Xaamud Afhayeen u ahayn Taliska Ciidamada Midowga Afrika, ee ka hawlgala Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya. Qoraalka, ayaa waxaa lagu yiri "Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya waxa uu jeclaan lahaa in uu cadeeyo, inaanu Korneyl Cali Aadan Xumad Afhayeen u ahayn Amisom.” Wixii warar iyo macluumaad ah ee ku aadan Amisom, ayaa waxaa qoraalka lagu sheegay in lagala xiriiri karo Eloi Yao, oo buuxinaaya booskii Korneyl Xumad. Hawlgalka Midowga Afrika ma kala cadayn baahida keentay in shaqada laga eryo Korneyl Xumad, laakiin waxaa la tuhunsan yahay in lagu heysto Wareysiyadii uu shalay ilaa maanta ka bixinaayay weerarka lagu qaaday Xarunta Amisom ee Xalane,isagoo farta ku goday kana sharqamiy Xubno Dawladda Federaalka ka tirsan oo Damjadiid ah inay fududeeyeen weerarka Xalane. Shacabkamedia-Beyra-Puntland Runta Kama-Xıshoono Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted December 26, 2014 DoctorKenny was right. few ragtag terrorists rattle their soul and they turn against the only Somai spokesman. they don't trust any Somali. lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites